Personal Blog

bashirabduleegale.blogspot.com

Saturday, February 28, 2015

Ninkii duqa ahaa iyo xaas aad u da’yar iyo Tuug.




Waxaa jiray oday duq ah oo lagu magacaabo Cali  ahaana nin taajir ah oo xaaskiisii ka dhimatay(CARMAL)
 Ilaa iyo inta ay xaaskiisii dhimatay waxaa uu ahaa nin guurdoon ah oo la xanuunsan jaceyl.

Lakiin  waxaa uu qanciyay nin kaloo ganacsada ah oo uu lacag fara badan siiyay  si uu  uguursado gabar yar oo uu  dhalay. Gabadha waxaa dhalay ninka kaloo ganacsadaha ah .lakiini gabadha yar waxaa ay ahayd mid aan aad ugu faraxsanayn guurka ninkaan.
Sababtoo ah waxaa uu ahaa nin aad duq u ah xitaa maynan  fiiri jiray wajigiisa.

Odaygii duqa ahaa waa uu fahmay sababta aynan u faraxsanayn  xaaskiisa.
Laakiin wax walba ayaa uu u samaynaayay si uu.uqanciyo.

Habeen habeenada ka mid ah odaygii iyo xaaskiisa oo sariirta ugu hurdaaya si kala jeed ah ayaa waxaa u soo dhacay tuug , xaskiisii cusbaa ayaa kusoo kacday dhawaaqa tuuga. Waxaana u xaqiiqowday in guriga tuug soo galay.

Xaaskii yarayd ee odayga waa ay argagaxday,waxaa ay si tartiib ah ugu jeesatay ninkeedii oo hurdaaya  cabsi darteed waa ay ku dhegtay iyadoo habsiinaysa ninkeeda waxaas oo dhan waxaa ay samaysay iyadoo wax dhawaaq ah samayn.
Sidaa darteed  tuugii waxba ma uusan dareemin.

odaygii taajirka ahaa waa soo kacay isagoo umalaynaaya in ay xaaskiisa habsiinayso.

Aad ayaa uu  ugu farxay arinka lakiin waxaa uu is weydiiyay sababta xaaskiisa ay hab u siisay oo iskugu soo dhejisay xili hurdo ah
Madaxa ayaa uu kor usoo qaaday  isagoo dhinacyada fiirinaaya waxaana uu dareemay qajafta qof ku jira gudaha.

Odayga waxaa u cadaatay in uu tuug guriga ku jiro.sidaa darteedna xaaskiisa ay cabsi darteed hab u siisay oo iskugu soo duubtay .

Si layaableh ayaa uu uqeyliyay isagoo leh “OOOOOOOOOOOO” isagoo leh waxaan rabaa in aan kuu mahad celiyo !

Waxaan isku dayay wax walba lakiin xaaskeygu waa iga sii fogaan jirtay.
Lakiin adiga dartaa si kalgacal leh ayaa ay hab iisiisay, anigu hada aah ayaan u faraxsanahay fadlan wax walba oo aad rabto qaado


Somalida ayaa tiraahda (QEYLADII DHACDAA QOLO AYEY FAA IIDO U TAHAY)

F.G. Ref:http://www.talesofpanchatantra.com/shortstories_old_man_wife_thief.php


W/D:BASHIR EGALE 

No comments: