Soomaalaay is daba qabo dib fiirso waxa dhacay.
Dadkaagii dhamaayaye dib u fiirso waxa dhacay.
Dowladiinii waydee dib u fiirso waxa dhacay.
Diintii ku tumatee dib u fiiro waxa dhacay.
Dulmi baa idin rogayee dib u fiirso waxa dhacay.
Duli baad kadhaxashaye dib u fiirso waxa dhacay.
Dantaadii ilawdaye dib u fiirso waxa dhacay.
Dadka adaa u liitoo waligaa is dilayee.
Dooxato aan dhamaanayn daqarka isu gaystee.
Duqowdii gabawdiyo duriyadii dhameeyaye.
Dabka aad shidaysaan aan ka daalin abidkiin.
Daacadnimo ilawdaye dib u fiirso waxa dhacay.
Duurjoog sideedii dibadaha wareegtoo.
Dalkiinii macaanaa dawarsiga ka doortaye.
Damiir laawayaaloo aan digiigixaynee.
Dabakhyada shisheeyaha ku dakeeya beenee.
Meel laga dagal hayamaba aan dareensanaynee.
Dubaaqiinii gubayee dib u foorso waxa dhacay.
Adinkaa damane ahoo dadku aydin dhacayaan.
Oo darib sideedii ku durduuranayaan.
Sida dameerka wayda ah caatada la duukhee.
Dalanbiyaaya oo hadanna dambiile ah.
Digniin baan ku siiyaye dib u fiirso waxa dhacay.
Dawladaha shisheeyuhu adigay ku dilayaan.
Waana ay ku dagayaan oo la isku kiin dirin.
Dulaal iyo malaal bay kuu soo diraayaan.
Darsin aadan garanayn bay kuu dareershaan.
Doofaartu qashin kay kugu daadinaayaan.
Suntay duugayaan bay kugu daabulaayaan.
Digniin ban ku siiyaye dib u fiirso waxa dhacay.
Adinkaa doqomaa ahoo dawladnimadii diidee.
Iska daba wareegoo duugtiyo madhaxa guro.
Nin doorkiinii laysee duugtiyo maraxa guro.
Da´yartii dhamaysee duugtiyo maraxa guro.
Diintaadii bi.isaye duugtiyo maraxa guro.
Aqoonyahan dabaaxdaye duugtiyo maraxa guro.
Anigana i dila oo dumbaaburada soo guro.
Digniin baa idin siiyaye dib u fiirso waxa dhacay.
Gabaygaan waxaan tiriyey markii uu dhacay qaraxii ugu horeeyey ee qof nafti haligaa gaystay magaalada baydhabo kontoroolka lagasoo galo ee dhinaca muqdisho xiga. isla markaana ay dadkii ilaaliyaasha badda soomaalida ka ahaa dhiigoodii la baneystay laguna tilmaamay burcad badeed loona qalabqaatay in la bililiqaysto badda soomaalida iyo khayraadka ku jira walina la wado dhacii hantida maguurtadaa ee soomaalida.
Gabaygaan waxaa qoray Ahmed Farah Shire (Caruus)
Ahmedfarah114@hotmail.com
No comments:
Post a Comment