Frmaato&Beesha caalamka |
Afeef.
Anigu ma ihi siyaasi lafa Gura siyaasadda mana ihi mucaarad ee waxaan ka
mid ahay dadweynaha hamuunta uqaba
madaxweynaha cusub ee sida weyn loogu
wada sacaba tumaayo.
balse waxaan arkaa dad fara badan oo somaaliyeed oo mooda In doorashada farmaajo ay ka dhigan
tahay in aan Hal maalin ku heli doono
Dowlad xoog badan oo macal NUCLARkeeda
wadata Sidoo kale Umalaynaaya in
FARMAAJO laf dhuun
gashay ku noqon doono danaha ay naga leeyihiin dawladaha dariska ah iyo tan Beesha caalamkuba. Sida waaqicigga ahna
taas waa ay ka duwantahay dhabtii, waayo farmaajo waxaa Qoorta ugu jira Qool bir ah oo hadii la
dhuujiyo dhibkiisu badanyahay haba ugu
horeyso.
1 1-
Dhismaha ciidan qaran oo Qabiil iyo deegaan
gaara aan ka amar qaadan si looga maarmo Ciidamadan shisheeye.
2 2- Dhismaha
garsoor cadaalad ah oo aan hoos tegin oday
Beeleed,deegaan,ama Qabiil.
3 3- La dagaalanka
musuqmaasuqa iyo boobka hantida qaranka iyo tan dad gaaraba.iyo weliba saraynta
sharciga waddanka oo waxwalba laga sara mariyo
4 4- Dhammeystirka
Dastuurka Qaranka.iyo wax ka bedelidiisa.
5 5- Waa jihida qaabkii uu ku soo afjari lahaa
Kooxaha qaswadayaasha ahee kazoo horjeeda.
6 6- Qaabaynta ahlusuna iyo maamulka galmug
7 7- Soo afjarida colaadda aan macnaha ku dhineyn ee
Magaalada Gaalkayo oo noqotay marinkii GAZA-da Falastiin oo kale kana daran tan
qaswadayaasha
8 8- Dhismaha Xiriir caalami ah oo SOMALIA iyo
aduunka dhexmara si shaqsiga somaliga ah
qiima u yeesho.iyo ka dhaadhicinta
aduunka in Kaliya ay la hadli karaan dowlada dhexe oo kaliya,halka nin kastoo
masuul qabiil ama maamul ay si isku mid ah u qaabilaan
9 9- Soo celinta
lacag qaran iyo bank-dhexe,iyo weliba qaabaynta shirkadaha gaarka ah
1 10- In Maqaamka caasimada is bedel muuqda uu ka dhaco waayo waa wajigii
wadanka hadii wajiga dhaawac kaaga yaalo waxaa adkaan doonta in aad qof waba
usoo bandhigto.
1 11- Raja soo noolaynta iyo dib u dejinta qaxootiga
ku tabaalaysan wadanka gudihiisa inta aan la gaarin kuwa banaanka ku dhiban iyo
weliba abaaranhan baahsan ee halakeeyay
dad iyo duunyaba
1 12- Iyo weliba qodxa tira badan oo meel walba ka taag
taagan oo tag taagsi u baahan …………
Hadaba
dadweynow si taas loo gaaro MD Farmaajo waxaa uu la imaandoonaa siyaasad dabacsanaan badani ay ku lamaanantahay oo ka duwan tan aad dooneysaan oo ah dhis
halmaalin dowlad, Deriska dab ku qabo si
dalkeena noogu daayo ……..waayo waxaa uu
u baahan yahay in uu wax uun ka qabto waajibaadkan faraha badan ee horyaala
mana jiro canug caawa dhasha hadana hora
ka istaaga oo waxaa uu u baahanyahay in uu caana badan ka jiqo hooyadii si uu
awood u yeesho. Dowlad kaligeed iska istaagtana ma jirto ee waxaa ay u
baahantahay taageero iyo tabantaabyooyin
badan,mid shacab iyo mid caalamiba oo
labaduba ku dhisan Hiil iyo Hoo..
Ilaah
waxaan ka baryaa dal nabad ah iyo dad
wax qabsadaa in uu inaga dhigo……………..
No comments:
Post a Comment