Qalinkii Egale |
KAALIN INTEE LA EG AYAY KU LEEYIHIIN CUDURKA BUUFISKA EE FARAHA BA’N KU HAAYA DHALINYARADDA SOMAALIYEED EHELADDOODA KU NOOL QAARADAHA YURUB IYO AMEERIKA IYO QEYBA KA TIRSAN QAARADA ASIYA
Waxaa wayahan danbe kusoo badana Qaarada Afrika iyo qeyba ka tirsan qaaradda Asia dhalinyara qabta waxa loo yaqaano cudurka Buufiska haba ugu darnaadeen dhalinyarada kunool wadamada Itoobiya Kenya Masar ugandha dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaba curka Buufiska oo ah cudur waayahaandanbe soo ifbaxay wax caadi ahna ka noqday bulshadda somaalida dhexdooda kuna faafay dhalinyarada Soomaaliyeed meel walbo oo ay ka joogaan qaaraddaha aan soo xusnay
Dhalinyarada qabta cudurka Buufiska ee kunool meelo katirsan Qaarada Afrika iyo qeyba ka mid ah Asia .gaarahaan dalka Ethiopia kaas oo noqday marinka ama dhuunta ay maraan ama ay yimaadaan si ay u gaaraan qaarada yurub gaarahaan italy dhalinta qaba cudurka buufiska iyagoo is galaafsada nafsadooda waayo waxaad arkaysaa nin dhalin yaraa oo iska deganaa ayaa waxaa soo maraaya saxibkis oo sii galaafsada hadaba markii aad lashekeesato dhalinta waxaa ay kuu sheegayaan in ay dhoof suga yaal yihiin ayna baxayaan sida ugu dhaqsaha badan balsa hadalkaa ayaa ah mid niyad dhis ah oo aan waxba kajirin iyadoo dhalinyarada qaar maskaxdoodu is dib martay waxaadna arkeesaa dhalinyaro maqane joogayaal ah oo aad markaad la sheekeesataba kaaga sheekenaya qaaradaha Yurub Iyo Ameerika iyo sida uu jeclaan lahaa in uu ugu noolaado iyo waxa uu qaban doono waxa kalee kumashquulaan kasheekeenta wadamada ay jecelyihiin in ay kunoolaadan qaabkiisa dhaqankiisa hormarkiisa mana arkaysid intii aad lasheekeesanayso dadka cudurka buufiska qaba ee isugu jira gabdha iyo wiilal qof kahadlaya halka uu xaalka wadankiisu marayo iyo sidii wadankiisa loogu soo celin lahaa hormarka iyo nabada.iyagoo subixii u soo shaqa taga meelaha ay ku yaalaan xawaaladaha somaalida iyo kafa teeriyaasha ku dhow dhow habeenkiina uga hoyaadda hoyga ay ka degan yihiin magaalada . hadaba mar aan wax ka waydiiyay nin dhalinyaraa oo saf ugu jira safaarad ka mid ah safaaradaha yurub ay ku leehihiin dalkan cida ka masuulkaa cudurkaan buufiska ee faraha ba’an ku haayada dhinta somaaliyeed meel walba oo ay kaga noolyihiin qaradahaan waxa yuuna ku sababeeyay tan ugu wayn gorgortanka guracan ee siyaasadeed ee dalka ka degi la’yahay waagii soo baryana waji cusub yeelanaaya iyo xasuuqa aan loomeel dayeyn sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay masuuliyada wax ku leeyihiin ehelada ku nool qaarada yurub iyo ameerika iyagoo inta badan balan qaad afka ah usameeya dhalintooda hadana aan fulin inta badan taas oo uu ku til maamay arin laab la kac ah oo somaalidu ka samaysan tahay taasuna waxaa ay dhalinkartaa qofkii in uu qaato go aan uusan ka fiirsan ama aan loom eel dayin waa sida uu hadalka u dhigaye
Halka ugu daran oo ay kusuganyihiin dadkan qaba cudurka Buufiska oo isugu jiro Gabdho iyo Wiilal ayaa ah dalka Ethiopia oo aad mararka qaar ku arkeeso dad kuqaangaadhey cudurkaas, dadkaa ayaana noqday kuwa isla hadla kaligood dadka qaar ayaa xitaa cuntadii kaga soomay halka dadka qaarna loo soo iibiyay hantidii ay kunoolaayeen qoyskiisa oo dhan si ay uga bogsadaan cudurkan balse aysan wali u suurtoobin in ay helaan dawadoodii waxa uuna lagaaray heerkii ugu xumaa cudurka buufiska iaydoo inta badan ay yaraadeen qadadkii lagu aadi jiray qaarada ameerika si maraykanka oo bilaabay dheecaanka loo yaqaano DNA test
Markii aad la sheekeesato qaar kamid ah dadkaan Buufiska qaba ayaa ah kuwa rajo been ah kunool waxaadna arkaysaa dad uu ku duqoobay cudurkaa oo in kabadan 17 sano qabo cudurkaasi ilaa walina aan kadawoobin iyagoo cimrigoodiina ku dhamaaday buufis mana jiraan wax ay qabsadaan inta ay kujiraan cudurka buufiska iyagoo kuu sheegaya in ay mustaqbalkooda katashan doonaan markii ay gaaran Yurub ama Ameerika markaa kadibna ay guursaan doonaan mustaqbalkooduna dib kadhisidoonaan.taasna waxaa kuu cadaynaysa gabar da’deeda iigu sheegtay 38 sano kana soo carartay wadankii iyadoo jirta 21 sano ilaa hadana waxaa ay u dhexaysaa rajada mar marka ka danbaysa uga soo ifbaxaysa eheladeeda oo ku nool dalka maraykanka
Sidoo kale waxaa jira gabdho aad ufarabadan oo xiligoodii ku dhaafay cudurka buufiska markii aad hoos u waraysato aysan diyaar u ahayn in ay ku guursadaan Qarada Afrika ayna jecelyihiin Qaradaha Yurub iyo Amerika iyagoo kuu sheegaya hadii ay xitaa helaan nin Oday ah oo wadmadaas geeya in ay guursanayaan oo ay nolosha la qaybsandoonaan intii ay dantooda kaga gaadhayaan,waxaa sidoo kale wiilal dhalinyara ah oo isku mashquuliya raadinta hablaha waa weyn ee kunool qaaradaha Yurub iyo Amerika si ay uguursadaan oo ay uwataan dhalinyaradaa ayaa ah kuwa intooda badan kubadan Ethiopia iyo Kenya ugandha si darana u isticmaala aalada internetka si ay uga helaan hablo dhalinyaradaa ayaaan ah kuwa loo yaqaano CALAFDOON. Dumarkaasi ayaa waxay isugu jiraan qaar calafkii ka xumaaday oo ah SINGLE MOTHER iyo qaar iminka is xasuustay waxii doonaa guur ha ku dhaafee, single MOTHERta ayaa ah suuqa ugu weyn ee baadi goobka dhoofka.
Waxaa iyana jira dhalinyara fara badan oo nafsadooda qatar ugaliyay sidii ay mar un kugaari lahaayeen meelo katirsan Qarada Yurub iyagoo maraya Saxaraha Iyo Badaha oo ay dad badani kudhamaadeen kuwa kalana ay kujiraan xabsiyada wadamada ay sharcidarada kumarayaan .
Isku soo duub somaalida ayaa waxaa ay tiriaahdaa (Cudurka fardaha kaa gala hadii dameeradda laga daweeyo dawadiisa lama helin) isha ugu wayn ee kahor muuqata dhalinta somaaliyeed ayaa waxaa ay tahay hada saxaraha u dhexeeya sudan iyo libiya kadib markii ay ka tilaabaan xuduuda Ethiopia iyo sudan intaas waxaa usii dheer markii ay ka bad baadaan saxaraha ayaa waxaa dhibaatooyin loogu sii gaystaa xuduuda iyo dalka libiya iyadoo ay u dhimantahay badii hadaba dhaliyarooy dal waa dalkaaga dadna waa dadkaaga
No comments:
Post a Comment