Waxaa jira waxyaabo soonka fura iyo waxyaabo aan soonka furin, balse dadka qaar aysan aqoon u lahayn, haddaba kala baro waxyaabaha soonka burinaya iyo waxyaabaha aan burinayn
Waxyaabaha soonka aan furin(Burin):-
1. Qofka Soomani haddii uu cuno raashiin ama uu cabo biyo ama cabitaan kale isagoo ilowsan ama jaahil ka ah ama lagu dirqiyo qofkaasi soonkiisa ka furmi maayo, waayo Alle waa naxariiste ka ugu wanaagsan, sidaa daraadeedna qofka hadduu hilmaamo isgoo sooman inuu wax cabo ama cuno ama lagu ndirqiyo Alle wuu u ogolaaday inuu soonkiisa sii wato, wuuna u jirayaa.
2. Qofka soomani haddii wax cuno ama uu cabo isagoo ilowsan soonka ka buri maayo, maxaa yeelay asagoo ilowsan ayuu sameeyay.
3. Haddii uu wax cuno ama cabo asagoo aaminsan in cadceeddu dhacday ama waaga uusan wali baryin soonka ka buri maayo, maxaa yeelay ogaal la’aan ayuu u sameeyay.
4. Haddii uu luqluqdo oo ay biyuhu dhuunta u gudbaan isagoo aan ula kac u samayn soonka ka buri maayo, maxaa yeelay uma uusan qasdin.
5. Haddii uu isticmaalo irbad sida Antibiyootikada soonka ka buri maayo, haddii uu rabo haka qaato murqaha ama xididdada.
6. Haddii uu qof isku junubo (shahwo ka timaado) isagoo/iyadoo huruda, soonka ka buri mayo, maxaa yeelay rabitaankiisa/keeda kuma aysan imaan.
Waxayaalaha soonka fura(buriya) :
1. Qofka soomani haddii uu u galmoodo xaaskiisa maalin Ramadaan ah, soonku waa ka buray, waxaana waajib ku ah inuu xoreeyo qof addoon ah, hadduu waayo laba bil oo xiriir ah ayuu soomayaa, hadduu awoodi kari waayo lixdan miskiin ayuu rashiin siinayaa oo quudinayaa.
2. Haddii qofka soomani shahwo ka timaado isagoo soo jeeda, ha uga timaado niyeysi uu galmo niyeystay, seegaysi gacantiisa uu isaga keenay, galmo uu sameeyay, dhunkasho, IWM soonka waa uu ka burayaa (furmayaa).
3. Haddii uu qofka cuno ama cabo wax anfacaya ama dhibaya sida:sigaarka soon waa uu ka furmayaa.
4. Haddii qofka faleebo lagu suro soonka wuu ka burayaa, maxaa yeelay waxay la mid tahay isagoo wax cunay ama cabay, laakiin haddii lagu mudo cirbad aan nafaqo lahayn waxba ka dhibi meyso
5. Hadduu qofka soomani u dhiig baxo, dabadeed dhiig lagu shubo, si uu uga kabto dhiig baxa ku dhacay soonka wuu ka burayaa .
6. Haddii marwadu ka yimaado dhiigga caddada ama kan dhalmada isla waqtigaas ayuu soonka ka furmayaa.
7. Haddii qofka soomai uu si kas ah uu dhiig isaga keeno soonka waa uu ka furmayaa, laakiin haddii dhiig si iskiis ah uga yimaadaan sida san-gororka ama ilig laga siibay darteed iwm, soonka ka buri maayo maxaa yeelay toobin iyo wax la mid ah kuma uusan imaan.
8. Haddii uu qofka soomani matag si khasab isaga keeno waa uu ka burayaa soonka, laakiin hadduu matago isagoo aan iska keenin, soonka ka buri may.
Waxyaabo bannaan:
1. Qofka soomaya waxaa u bannaan inuu soonka niyeysto isagoo janaaba qaba (qubeys waajib lagu leeyahay), dabadeed uu ka qubeysto markuu waagu baryo.
2. Haweeneyda hadday Ramadaan gudihiisa ka daahir noqoto dhiigga caadada ama kan dhalmada intuusan waaga baryin waxaa waajib ku ah inay Soonto, xittaa haddeeyan ka qubeysan ilaa waagu ka baryo.
3. Qofka sooman waxaa u bannaan inuu ilig ama gows iska siibo iyo inuu iska daweeyo dhaawac soo gaara, waxaa kaloo u bannaan inuu goojo isaga shubo indhaha ama dhegaha, soonka ka furimi maayo, xiittaa hadduu goojada dhadhankeeda ka dareemo dhuunta.
4. Waxaa u bannaan qofka sooman inuu cadaydo dharaarta Ramadaan, subax iyo galab isku si ayuu u cadayanayaa sida dadka afuran oo kale. (Qaabka loo jamcinayo Axaadiista kala ah (Qofka sooman urka afkiisa ka soo baxaya wuxuu ka udgoon yahay barfuunka miskiga loo yaqaan) Xadiiska ka warramaya inuu cadeygu sunno yahay Salaad kasta marka la xiranayo ka hor, urka afka ma aha mid ku yimi cadey la’aan ee wuxuu afka la urayaa waxa weeye: Caloosha qofka sooman oo gaajo aawadeed la gubaneysa.
5. Waxaa u bannaan qofka sooman inuu sameeyo waxyaalo ka fududeeynaya kuleylka daran iyo oonka sida isagoo biyo isku shuba ama isticmaala Mukayaf(qaboojiye).
6. Waxaa u bannaan qofka sooman inuu afka isaga buufiyo wax ka fududeeynaya neefsashada oo cirriri ku noqota taas oo ka dhalata cudurka neefta ah iwm
7. Waxaa u bannaan qofka sooman inuu biyo ku qooyo bushimihiisa hadday qallalaan iyo inuu luq-luqdo hadduu afka qalalo, iskana ilaaliyo inay biyuhu ku tagaan.
8. Waxaa sunno ah in saxuurta dib loo dhigo ilaa uu waabarigu soo dhawaado iyo in afurka la dadejiyo isla marka ay cadceeddu dhacdo. Waxaa kaloo sunno ah in lagu afuro timir, hadduu waayo biyo, hadduu waayo nooc kasta oo raashiin xalaal ah, hadduu waayo wuxuu qalbiga ka niyeeysanayaa afur ilaa uu ka helo wuxuu cuno.
9. Waxaa sunno ah inuu qofka soomani badiyo cibaadooyinka, kana fogaado dhammaan waxyaalaha la reebay.
10. Waxaa wajib ah qofka sooman inuu dhowro gudashada waajibaadka iyo ka fogaanshaha xaaraamta .
11. Shanta salaadood mid kasta wakhtigeeda ayuu jameecada la tukanayaa hadduu jameecada hore ula tukan jiray iyo haddii kale.
12. Wuxuu ka fogaanayaa beenta, xanta, khayaanada, dul-saarka (Ribo), hadal iyo fal kasta oo xaaraam ah.
Nabiga (SCW) wuxuu yiri: (Qofkaan ka tegin hadalka beenta ah ku dhaqankiisa iyo jahliga, Eebbe wax dan ah kama laha inuu qofkaasi ka tago raashinkiisa iyo cabitaankiisa).
Nabiga (SCW) wuxuu yiri: (Qofkaan ka tegin hadalka beenta ah ku dhaqankiisa iyo jahliga, Eebbe wax dan ah kama laha inuu qofkaasi ka tago raashinkiisa iyo cabitaankiisa).
Waxaan Ilaahay ka baryeynaynaa inuu Soonka inaga aqbalo, fadliga soonkana aanu Jano ku galno, Ilaahay ha iga dhigo kuwa fadliga soonka loogu naxariisto,loogu dambi dhaafo, loogana xoreeyo naarta.
No comments:
Post a Comment