Personal Blog

bashirabduleegale.blogspot.com

Thursday, November 6, 2014

أنا أمير وأنت أمير من يسوق الحمار



 أنا أمير وأنت أمير من يسوق الحمار

maxaa  lees ku haystaa  qalad misa sax Bal wax ka ogow awoodaha labadda masuul Qodobka 90 aad iyo 100


Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda 

Federaalka 
Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha waxaa ka mid ah:


(1) Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan 

sharciga.
(2) waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.
(3) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista
xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu,.
(4) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama
kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha
Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).
(5) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-kuxigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
(6) Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci
looga dhigo.
(7) Wuxuu furaa Golaha Shacabka.
(8) Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.
(9) Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.Guddiga Dib-u-habeynta Qabyoqoraalka Dastuurka

(10) Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare
iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga
Garsoorka ka dib.
(11) Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo
madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.
(12) Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud,
markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.
(13) Wuxuu qaabbilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiillada qunsuliyadaha
dalalka shisheeye.
(14) Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu Golaha
Wasiirradu soo jeediyo.
(15) Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa Golaha Shacabka marka ay
muddadiisa xilku dhammaato, si doorasho ay u aadaan.
(16) In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka taloqaato Guddiga Adeegga Garsoorka.
(17) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo
jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.



Qodobka 100aad. Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha 

Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:


(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;
(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;
(c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka
Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.

Guddiga Dib-u-habeynta Qabyoqoraalka Dastuurka

(d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale
ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa

No comments: