Barnaamijka Parental Controls ee Windows -
Waalidiin badan ayaa waxaa dhici karta in ay ka walaacsan yihiin saacadaha ay carruurtoodu ku jiraan computerka. Haddaba waxaa jira barnaamij aad u sahlan oo suurtagal ka dhigaya in la xaddido saacadaha ama waqtiyada ay carruurtu geli karaan computerka.
Barnaamijkaas ay waalidku adeegsan karaan waa nidaamka loo yaqaan “Parental Controls” si ay u maareeyaan adeegsiga computerka ee carruurtooda. Tusaale ahaan, waxaad xaddidi kartaa saacadaha uu canuggaagu geli karo computerka, noocyada game-ka ee ay computerka ku ciyaari karaan iyo barnaamijyada computerka ee waalidku u ogolaan karo ama ka xannibi karo carruurta.
Marka la adeegsado barnaamijka “Parental Controls”, saacadihii laga xanibay canuggu ma geli karo computerka, sidoo kale Game-ka laga xanibay computerka kuma ciyaari karo..
Daawo Video :
Faahfaahinta casharkan hoos ka akhri:
- FIIRO GAAR AH: Inta aadan bilaabin akoonada aad u samaynaysid carruurta, ka hor waa inaad xaqiijisid in aad adigu tahay maamulaha (Administrator) ee computerka, waana in uu kuu leeyahay fure (password) gaar kuu ah oo aad xusuusan kartid, waa muhiim arrintaasi, waayo ka warran haddii aad carruurta u samaysid akoono gaar ah laakiin aad ilowdid furahii maamulaha? taas ka taxadar…..
Carruurta Computerka uga samee Akoon caadi ah
Kahor inta aadan bilaabin adeegsiga barnaamijka Parental Controls waa in aad canug kasta u samaysid akoon caadi – waa nooca “standard user“, waalidkuna uu leeyahay akoonka maamulka ee “Administrator“, kaas oo leh fure ama password. (Waalidku waa in ay lahaadaan furaha maamulka oo waalidka keliya u khaas ah.)
FG: Akoonnada laga samayn karo computerku waxay noqon karaan: (1)-Administrator (maamulaha) oo ah akoonka waalidka. (2)- Standard (akoon caadi ah) oo ah akoonka aad usamaynaeysid carruurta. (3)- Guest (martida) – sida caadiga ah akoonka martid waxaa laga dhigaa mid aan shaqaynayn oo xaniban gebi ahaanba aan lagu geli karin computerka. (Akoonka Guest ka dhig OFF ama mid aan shaqaynayn).
Haddaba si aad carruurta ugusamaysid akoon, raac habkan:
1. Guji batoonka Start , kaddib riix Control Panel
2. Riix User Accounts
3. Riix Add or remove user accounts
4. Riix Create a new account
5. Shaashadda soo baxda ku qor Magaca Canugga (waa magaca ka soo baxaya shashadda hore ee Computerka marka la daaro). Isla markaasna xaqiiji in ay calaamadsan tahay “Standard user” – Halkaasi waa muhiim. Markaas kaddib riix batoonka “Create Account“.
6. Markaas waxaa soo bixi doona shaashad ay ku qoran yihiin inta akoon ee computerka aad ka samaysay oo uu ku jiro akoonkii u dambeeyey ee aad u samaysay canugga.
7. Markaas riix akoonka canuga si aad ugu samaysid fure ama password canugga u gaar ah oo uu ku galo computerka. Taas si aad u samaysid riix linkiga “Create a password”
8. Shaashadda soo baxda ku qor furaha ama password-ka aad u samaayneysid canugga (laba jeer ayaa qori doontaa furaha). Waxa kale oo aad shaashadda ku qori kartaa wax lagu xasuusan karo furaha. Kaddib riix batoonka “Create password“.
9. Markaas waxaa diyaar ah akoon aad u samaysay canugga, kaas oo leh fure gaar ah.
Agaasimidda Barnaamijka Parental Controls ee Windows
Marka aad samaysid akoonada carruurta, markaas mid kasta oo akoonaddaas kamid ah waa in aad gaarkiisa ugu agaasintid barnaamijka ‘Parental Controls”. Taas si aad usamaysid raac habkan:
10. Guji batoonka Start , kaddib riix Control Panel, kaddib riix User Accounts, markaas kaddib riix “Set up Parental Controls“.
11. Guji akoonka aad dooneysid in aad u adeegsatid maaraynta waalidka. Tusaale ahaan riix akoonkii aad us amaysay canugga.
12. Waxaa soo bixi doonta shaashadda laga agasimayo barnaamijka. Haddaba calaamadi barta “On, enforce current settings“.
13. Waxaa markaas soo baxaya meelaha laga maarayn karo qaybaha kala ah “Time limits” (saacadaha computerka la adeegsan karo oo la xadidayo),
Games
14. Riix “Time limits” (saacadaha computerka la adeegsan karo oo la xadidayo). Markaas hagaha kucalamadi saacadaha aadan canugga u ogolayn inuu galo computerka – waa saacadaha uu ka xannibnaan doono computerka ama saacadaha iyo maalmaha aadan u ogolayn in ay carruurtu computerka adeegsadaan. Marka aad calaamadisid waxay noqonayaan midabka buluugga (tusaale ahaan eeg sawirka hoose). Markaas riix Ok.
- FG: Tusaale ahaan sawirka hoose wuxuu muujinayaa in canuggu uusan computerka adeegsankarin saacadaha 9:00pm (fiidkii) ilaa 6:00am (subaxnimo) ee maalin kasta. Waxaa dheer in uusan maalmaha Jimacada iyo Sabtida adeegsan karin laga bilaabo 7:00pm(fiidnimoo) ilaa 6:00am (subaxnimo) . Sidoo kale maalmaha Talaado iyo Arbaca in uusan adeegsan karin 1da iyo 2da duhurnimo. Taasi waa tusaale, adiga ayaa garanaya saacadaha ku haboon inaad carruurtaada ka xanibtid adeegsig acomputerka.
15. Games (nooca game-ka oo la xadidi karo) – Qaybtan waxaa laga agaasimi karaa nooca Game-ka ee carruurtu ku ciyaari karaan computerka.
16. Marka aad riixidid Games, markaas barta “Can Canugga play games” waxaad dhehi kartaa haa (Yes) oo ah in ay ku ciyaari karaan games ama maya (No) oo markaas geb iahaanba aancomputerka laguciyaari karin Games. Haddaba haddii aad tiraahdid (Yes) waxaa muhiim ah in aad markaas riixdid barta “Set games ratings” bartaasna aad ka dooratid nooca ama derejada Game-ka ee ay ciyaari karaan.
17. Shaashadda soo baxda waa tan laga calaamaidin karo derejada ama nooca Game-ka ee carruurtu ku ciyaari karto.
18. FG: Sida caadiga ah Game-ka waxa ay leeyihiin derejo loo qoondeeyo, taas oo muujineysa da’da qofka ciyaari kara Game-kaas. Tusaale ahaan Game derejadiisu tahay “T” waxaa ciyaari kara dhallin-yarada da’duudu marka ay gaarto 13-jir. Eeg calaamadaha hoose iyo qeexida ka hooseysa oo muujinaysa Game-ka iyo da’da ciyaari karta.
- EC (Early Childhood) waa 3-sano jir iyo ka weyn.
- E (Everyone) waa 6 sano jir iyo ka weyn.
- E10+ (Everyone 10 and older) waa 10 sano jir iyo ka weyn.
- T (Teen) waa 13-jir iyo ka weyn
- M (Mature) waa 17-jir iyo ka weyn.
- AO (Adults Only) waa 18-jir iyo ka weyn
- Tixraac: http://www.esrb.org/
19. Waxaa kale oola xannibi karaa qaar kamid ah barnaamijyada ku jira computerka in canuugu isticmaalo. Waxaana taas laga agaasimaa barta “Allow or block specific programs” (Barnaamijyada computerka ku jira oo qaar la ogolaan karo qaarna la diidi karo).
20. Halkaas waxaad canugga u ogolaan kartaa dhammaan barnaamijyada ku jira computerka, ama qaar kamidah barnaamijyada. Kaddib guji OK.
21. Marka aad dhammaysid agaasimidda, riix batoonka OK. Waxaad markaas arki doontaa shaashad muujineysa in akoonadii aad agaad agaasintey ay ku qoran tahay “Parental Controls” Taas oo kuu xaqiijineysa in aad ku guulaysatey agaasimaidda barnaamijaas.
FG: Waxaad ku baraarugsanaataa in uusan jirin barnaamij 100% xafidayacomputerka. Sidaas daraadeed marka aad agaasintid “Parental Controls” waa in aadan intaas ku joogin ee waa inaad carruurtaada bartid halista Internetka.
Waalidka waxaa markasta la gudboonin ay sameeyaan aqoon kororsi la xiriirta computerka iyo adeegsigiisa si ay markasta ugu baraarug-sanaadaan waxyaabaha cusub ee kusoo kordha farsamadan technolojiyada ee aad xawliga isbedelka sare leh ugu socota.
Sidoo kale akhri:
Sidoo kale tixraac barnaamijka “Windows Live Family Safety” oo laga soo rogan karo linkigan: http://download.live.com/familysafety
No comments:
Post a Comment