Personal Blog

bashirabduleegale.blogspot.com

Friday, April 29, 2016

KU JOOJI SIGAAR-KA CABISTIISA 10 TILLAABO

Cabidda sigaarka, sigarka qoriga ah ama tubbada iyo isticmaalidda waxyaabaha kale ee tubaakada laga sameeyo waxay keeni karaan:


Kansarka sanbabada, afka, cunaha ama hunguriga
Cudurka wadnaha iyo marinnada dhiigga
Cudurka sanbabka
Maskaxda oo hawl gabta (faalig)
Sigaarrada waxaa ka buuxa sun sanbabadaada geleysa marka aad sigaarka nuugto. Sigaar kasta waxaa ku jira 4000 oo kiimko ah iyo 43 waxyaabood oo kansar keena. Nikotiinku waa wax la qabatimo wuxuuna kor u qaadi karaa cadaadiska dhiiggaaga.
Sigaar cabiddu waxay sidoo kale halis u tahay dadka kale. Dadka aan sigaar cabbin ee ku neefsada qiiqa tubkaadu waxay ku jiraan halis la mid ah kuwa sigaar cabba.
Carruurta joogta meesha sigaarka lagu cabbayo waxay badanaa qaadaan hergeb, jeermis gala dhegaha ama dhibaatooyinka kale ee
neefsashada.
Tubaakada aan qiiqa lahayn sida midda la ruugo waxaa ku jira nikotiin ka badan kan sigaarka. Isticmaalkoodu wuxuu keeni karaa dhibco caddaan ah ama guduudan oo xanuun leh oo afka ku sameysma oo ka dibna noqon kara kansar. Kuwa isticmaala tubaakada aan qiiqa lahayn waxay badanaa qabaan dhibaato ilko sida cirridka oo gadaal u durka iyo ilkaha oo bolola oo suus galo.
Faaiidooyinka Joojinta Isticmaalka Sigaar Cabidda iyo Tubaakada
Halistaada cudurka wadnaha iyo hawl gabidda maskaxdu (faalig) way yaraanayaan.
Heerka neefsashadaada iyo tamartaadu way soo hagaagayaan.
Halista aad kansar ugu jirto way yaraanaysaa.
Haddii aad uur leedahay, waxaad fursad fiican u yeelanaysaa inaad dhasho ilmo caafimaad qaba.
Waxaad hoos u dhigi doontaa halista caafimaadka ee kuwa aan sigaarka cabbin haddii aad joojiso.
Dareenkaaga urinta iyo dhadhamintu way soo hagaagayaan.
Jirkaaga, dharkaaga, baabuurkaaga iyo gurigaagu sidii tubaako uma soo uri doonaan.
Waxaad kaydsan doontaa lacag.
Barashada Sida loo Joojiyo
.Takhtarkaaga kala hadal joojinta. Kaalmayso qof horay u joojiyay .sigaarka kuna guulaystay. Taageero ka hel oo baro sida wax .looga qabto welwelka iyo stress-ka.
.Takhtarkaaga kala hadal daawooyinka iyo kaalmooyinka kale ee kaa caawinaya joojinta.
Joojinta isticmaalka tubaakadu waxay hagaajin doontaa caafimaadkaaga iyo caafimaadka kuwa hareereysan. Way adag tahay in la joojiyo, laakiin caafimaadkaaga ayaa u qalma inaad joojisa.
source from:Somdoc

No comments: