Personal Blog

bashirabduleegale.blogspot.com

Saturday, June 18, 2016

Maanso: Damiir-laawe










Dalkan yeydu boobtee
Dabadhilifku qaatee
Denbiiluhu ka taliyee
Darajooyin qaateen
Dockastaba udooxeen
Dabindabin isugu xiray
Daaficii Daldalayoo
Da’yartiina Booboo
Dufco dufco U laayoo


Diin-laawe maahane
Dalyaqaan dhamaayee
Dimuqaraaddi maahane
Diin weyka didayaan
Daacigii afduubmee

Damqashadii dhamaatee
Diirnaxaa la dilayee
Dulucdayda maansada
Diirka aan ka qaadee.


Danjireheena maantaa
Daafacaaya Cadowgoo
Durbaankana u tumayoo
Diimihiisa Xusayoo
Dabarada u xirayoo
Daba-dhilifka hoos taga
Dumarkeeni  Maantana
Dibadahaa u beecgeyn
Da’yarteenni doorbiday
Dawarsi aan dhamaaneyn
Dhaqankoodi-doorishoo
Dullinimada badayoo
Diintii qaar ka weecshoo
  Gaalada u daba dhaqa
Doqonnimadda weheshada
Dugsadaa Kaniisadaha


    Allaa deeqda bixiyee
Daddow maan is dabaqan
Daa imbaan ku dhaartee
Dockastaba u roganee
Daadbaa Naqaadee
Dowga maanta aan naal
Digrigaba ma badinaa
Diinta ma ku adkaanaa
Dareen culus ma qaadnaa
Doodeen ma ku cadaynaa
Dadaal ma ku adkaynaa
Diintaa dhigaysee qoom aan is
Daba Qaban Alla kama dulqaadee.

Damqashadii islaamnimo
Dareenkiyo Wax garashadi
Daaqaday ka bixiyeen
Dadnimo kaba dhamaatee
Danahooda gaarkaay
Dadweynaha ku dilayaan
Daahiil kama dhamaadee
Dockastoy u qaataan
Daahiriba maayee
Danta yaa ba garadsiin
Daaqcunaha Dhaamee
Damiir laawayaashaan

Yaa Naga dulqaadoo
Dantii garadka keeno
Darajada u dhiiboo
Daadihi yiraahdaa

Damiir laawayaashana
Dagaal fooda yaa dara
Dukum yaa ka siiyo
Dadweynaha horkeenoo
Daldalaadna saaroo
Duf ku baxa yiraahdaa
Daacuun ha laayee
Daahiriba maayaan ee
Danta yaa ba garadsiin
Daa’Imow Allahayow
Gacmahaan Ku Doogsaday ee
Dadkaan soo maciinoo
Daaruqood Daweeyoo
Dalooladood yareeyoo
Keennii dibada joogiyo
Keennii Dalkii jira
Dacaladaa aduunyada
Daacada ka talinoo
Damqayaan waxyeelladu
Dantu manta tiriyee
Dalku  waa dalkoodee
Danta wey wadaagaan ee
Danahooda Garadsii oo
Deg deg nooga soo gaar
Dibna Nabad usoo celi

Ducadayda Aqbaloo
Dibna haygu soo celin
Adigaa Dushaa leh,
Mustajaab Ducaa Ahe.

Dadweynow aan kula
Dar daarmee  Fahan
Dulucda maansada
Dulinimada iska diid
Dantaa manta joogtee
bal kacoo wax daba qabo.

 Qore/Alife:Bashir Egale


No comments: