isku day inaad akhriso
Wiil ayaa wuxuu ku yiri aabihiis, "aabe waxaan soo arkay gabar aad u qurux badan,
waxay leedahay indho qurxoon, joog iyo jamaalna waa loo dhameystiray, waxaan rabaa
inaad ii doonto gabadhaas oo aan guursado."
Odaygii ayaa yiri waa kuu doonayaa hadiiba maanta aad gabar ku qancisay soo
arkatay,balse marka hore gabadha aan arko
Odaygii markii gabadha la tusay wuxuu yiri, wiilkeygiyow uma qalantid gabadhaan
waayo waxay u baahantahay qof waayo arag ah sideyda oo kale.
Wiilkii oo la yaaban damaca aabihiis ayaa ku adkeystay inuu isagu gabadha guursanayo, muran iyo dagaal kadib waxaa lagu heshiiyay in la aado saldhiga booliska si loo kala saaro labadooda.
Taliyihii saldhiga joogay markii ay u sheegeen arinta ay isku heystaan wuxuu ku yiri gabadha ituso marka hore, markii la tusay ayuu yiri labadiinaba uma qalantaan gabadhaan waxay u baahantahay qof sharaf leh sideyda oo kale, mar kale ayaa dagaal la galay, sadddexdii nin waxay u gar dhigteen duqa magaalada.
Duqii magaalada markii loo sheegay arinta isna wuxuu dalbaday in gabadha la tuso, markuu indhaha saarayba wuxuu yiri gabadhaan waxaa u qalma oo kaliya masuul aniga oo kale ah.
Arinta markaan waxay gaartay, wiilka boqorka oo aad looga dambeeyo, afartoodii ayuu isugu yeeray si uu u xaliyo dhibka dhexdooda ka jira, balse markuu gabadha arkay ayuu is badalay wuxuuna ku yiri nimankii kale "yaa idin yiri gabadhaan haweysta anigoo jooga," halkii ayaa madax mar kale la isla galay oo dagaal adag ka dhex dhacay shantii nin.
Ugu dambeyn gabadhii ayaa tiri aniga ayaa idin kala saaraya, waan ordayaa, shantiina qofka ugu horeeya ee isoo qabta ayaa i guursanaya, sidii ayaa lagu heshiiyay.
Gabadhii quruxda badneyd way oroday, shantii nin ayaa ka daba cararay, iyagoo aan gaarin ayey ku dheceen god weyn.
Gabadhii inta u soo laabatay oo soo dul istaagtay godkii ay ku jireen ayey ku tiri "Ma taqaanaan qofka aan ahay?"
"Waxaan ahay Aduunyo, dadku way iga daba cararaan waxayna rabanaan inay aniga i helaan, way igu loolamaan iyadoo mid walba aniga i doonayo, waxay iloobaan diintoodii iyo aqiradoodii, ilaa ugu dambeyn ay ku dhacaan god ayaga oo aan wali i helin."
..........ADUUNYADU WAA SIDAAS..........
Share u dheh walaalaheena kale si ay u akhristaan ayagana Jazakallaah kheyr.

No comments:
Post a Comment