Personal Blog

bashirabduleegale.blogspot.com

Sunday, March 26, 2017

Ha igu qasbin in aan wadankeyga ka cararo Hana jebin hamigayga Dhalinyaro iyo mid mustaqbal ?


Sooyaalka Taariikheed ee dhallinyarada Soomaaliyeed waxey baal dahab ah  oo lama hilmaamaan ah uga jiraan kaalintii ay ku lahaayeen halgankii la dagaalanka gumeysiga, kaasoo ay u hureen naftooda iyo maalkooda sidii Soomaaliya ay gobanimo u gaari lahayd. Sidoo kale  Gebi ahaanba aduunku waxaa uu isku raacsan yahay in dhalin yaradu tahay  Mustaqbalka  wadankasta.Sidii horeba loo yiri Geedkii aad 20 jir ku beerato ayaad lixdan jir ku gurtaa.


Hadaba ujeedka qoraalkaan ma ahan mid ku foogan Taariikhda dhalinyarta somaaliyeed balsa waa mid cabasha ah oo aan la garanayn cida laga cabanaayo iyo cida loo cabanaayo ilaahay ka sokow. Marka laga hadlaayo Dhalinyaro  wadankeyga waa laf dhabarta Qaranka iyo weliba mid umaddeedba  oo runtii hadii uu jabo aan istaagi karin marnaba  sidaa owgeed qofkasta oo leh miir jooga iyo maskax fadhida waxaa uu Dareemi karaa maanta xaalka dhalinta somaaliyeed halka ay marayso ,mid tahriibay oo hadii uu ka badbaaday geeridda ku balanbalsan qurbaha oo la moodo in uu yaalo dheeman aan kaa dhamaanayn (Dal aanad lahayn waa dareen ku joog) iyo mid aan ka badbaadin oo mowku ku haleelayn meel uusan garanayn  intii uu gaarin hadafkiisii iyo hamigii uu lahaa,iyo mid wadankiisi jooga oo isna ah Dareen ku joog maskaxdana ku haya Tolow maanta hadii aad bad baado beri halkaad howl ka bilaabidoontaa.


Waxa maalin walba aad maqlaysaa ama aad arkaysaa Ruux dhalinyaro ah oo waalidkiis kusoo tiir iyo tacab beeleen maskax iyo muruq iyo maalna isugu geeyeen mustaqbalkiisa  sidii uu u dhisan lahaa mid wax barasho mid Dhaqaale  iyo weliba  mid wadanba  Balsa nasiib daro  inkastoo gerigu  xaqtahay cid aduunkaan ku waaraysana aynan jirin kala xanuun badan kala murugo badan marka ay kuusoo yeerto  dhalaan hehel waxaa uu ka soo qalin jebiyay jaamacad heblaayo waxaa uuna ka galay kaalinta koowaad waxa uuna helay shaqadisii ugu horeysay qaabkey doontaba ha noqotee  hadana waxaa toogtay kooxo aan la garanayn  heybtooda ama waxaa uu ku dhintay qarax  Galaaftay  dad badan oo aan waxba galabsan kaas oo uu ka danbeeyay ruur naftii hure ah oo  laga yaabo  inuu wiligii wax qorin waxna aqrin  markaas ayaa waxaa uu indhaha ka ridayaa dadkii ahaa indhaha umadda.


Celcelis ahaan marka aad eegto dadka maalinlaha ah ee la bar tilmaansado ama ku halaagsama qaraxyada ama tahriibta  waxaad arkaysaa in ay u badan yihiin dhalin yaro.
Suaasha aan is weydiinaayo ayaa ah  midkaan aan ka cabanaayo waayo oo igu qasbaaya in aan ka cararo waddankayga waayo mar hadii la dilay asxaabtaydii aan aqaanay intooda badan  ama intii aan isku asaag ahayn waxaa ay u muuqataa in aanan ana si xur ah uga shaqeyn doonin wadankayga naftayduna tahay mid miiska saaran (War halkee loo carararaa)!!


Yeelkeede hadana waxaa layaab ah mar hadii aan qabo cabashadaan,
Meeday cidii aan uga caban lahaa? Rabi ayaa tala ku filan. Oraahdaas waxaa adeegsan jiray aabahay  Marka Xaalku la xumaado, ilaahow ku amaanso,
Hadaba Gogol dhiga qoraalkayga ayaa ah fadlan jooji dilka micna daridaa oo aad indhaha umadda ku ridaysaan,oo is weydii Faaiidada kasoo gelaysa in aad qasaarto umaddana qasaariso ma ahane.


Wacyi gelin.
Bashir A.Egale
Bashiirweyne2008@hotmail.com 

No comments: