Aragnay Xildhibaan Mar
walba Mooshin baafinaaya Si uu wax u dumiyo.
Ma aragteen Xildhibaan Hebel Ayaan Abaaraha intaas oo lacag ah mushaarkiisa ka jaray ? Halka uuba diidanyahay in uu ka bixiyo canshuurtii xaqa loogu lahaa ,dhinaca kalena hooyada yaanyadda gedaysa bixiyo canshuurta,
Ma aragteen Xildhibaan Hebel Ayaan Abaaraha intaas oo lacag ah mushaarkiisa ka jaray ? Halka uuba diidanyahay in uu ka bixiyo canshuurtii xaqa loogu lahaa ,dhinaca kalena hooyada yaanyadda gedaysa bixiyo canshuurta,
Ma aragteen xildhibaan hebel ayaa hal habeen
quudiyay caruurtii eheladoodii ku nafwaayeen xasuuqii ay ku halaagsameen 600
qof somaali ah dhamaantood,
halka uu xildhibaan sheegay in uu bil dhan
biilkiisa u jarayo caruur waalidkood noolyahay midna xabsi ku jiro midna u
xamaalayo “Hashu Maankayga Gaddaye Ma Masaar Bay Liqday”!
Ma aragteen Xildhibaan ka hadlaya
Wasiirkiiqiimaha badnaa ee taariikhda somaaliya muda kooban ka galay baal
dababi ah ee hadhcad la toogtay marka laga reebo xildhibaano ka xun xilka qaadis loo sameeyay dilkaa
dartiis iyo kuwa kicinaaya qabiilkii uu kadhashay askerigii dilka fuliyay iyo
ninkii uu waardiyaynaayay, lehna sharciga yaan la marsiin ? maantana rabaan in
ay inoo sheegaan in ay u dooda yaan
“Qalbidhagax”oo weliba rabaan in ay biilaan caruurtiisii, midkii ay isku
hayb soocyihiina ku sheegay nin wadan
Dheeri ku ah(yani ajnabi)yaabnaye wasiir siraaji caruurtiisu Somaali ma ahan
miyaa Misa caruurtaa kala qiima badan maxaa kuu diiday ugu yaraan in aad
mushaarka aad sheegayso aad ukala qeybiso si ugu yaraan ceebtaada ama
ujeedkaaga sirgaxan ugu qariso,halagaa qaato ama halaguu daayee adeer miyaan la
joogin 2017,2018.
Ma aragteen xildhibaan Qaran Ayaa wada heblo,Iskuul,Hospital,Jaamad,wax
dan guud ah,Lacag lagu dhiso ku deeqay?
Ma
aragteen Xildhibaan Hebel ayaa tuuladii uu ka soo
jeeday wax ku deeqay ama Dowlada kula xisaabtamaya sida dadkii xasaanada uu uhayay wax loogu
qaban lahaa ?
Xildhibaankaan qarashkiisa isku doortay oo aysan jirin sharci xiraya oo aan ahayn lacag ama xil isaga yaa la xisaabtamaya oo aan ilaahay ka ahayn ?!!!!!!!
Xildhibaan Qaran oo ugu Hanjabaaya Xukuumaddii
uu shalay ansixiyayay iyadadoo weli xitaa qaarkood xafiiskoodii fadhiisan
hadana in uu Dumin doono.
Adeer Xasaanadda laguu dhiibay ma ahan in aad
wax dumisid ee waa in aad wax dhistid !!!!!!!! imisaad wax duminayseen Hadii ay
tahay wax toosin misa Dastuurka ayaanba lagu qorin Qeybta Dhisida iyo ilaalinta
waddanka uu xasaanadda u haayo xildhibaanku, misa sababta uu xildhibaan u yahay ayuuba garayn,
Bal Qaar idinka mid ah Hadii ay wax aqriyaan Taariikhda Dhow dib u xasuusta si
ay ugu Gogol xaarto mida Fog.
Inkastoo aan Dastuurka ka
arkay hadii aan laba bedelin Cutubka labaad
Qodobka18aad. Xorriyadda
Ra’yiga iyo Afkaarta
(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.
(2) Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.
(3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed, xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.
(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.
(2) Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.
(3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed, xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.
Haddana waxaan arkaa Ra’yiyo Ku salaysan Qabyaalad oo Qurbajoogtu isla dhex Marayaan Social Media oo xitaa aad arkayso xildhibaanada qaar in ay isha soo mariyaan ee la soo fadhiistaan kana dhigaan dood.
Waxaasa habooneed in ay noqdaan dooduhu kuwa madax banaan oo ah Toosin Ama dhaliilo maan gal ah kuna salaysan falsafad cilmiyeed ku dhisan aragti siyaasadeed oo ka turjumaysa danta dalka iyo dadka ,oo qofku ku sheego waxa uu aaminsanyahay halkii aad ka noqon lahayd Haye raac uu Owrka ku kacsado shisheeye,Siyaasi sheegte Aan Dal iyo dad toona dan iyo heelaba kalahayn .....
Dal dadkiisa ayaa dhisa ee dowlad ma dhisto....
Waxaan si hoose Isha ugu hayay Dhamaan
warbaahinta sheegta in ay si madax banana wax u baahiso ayaan daro waxaan
aragnaa rag kooban oo sagaashanki taagan war baahinta oo aad moodid afayeeno
dowlad ama jabhad ka soo horjeeda Rajada ummadda Somaaliyeed,Sida dowlada hada
curdanka ah,
oo
dhamaan dadka somaliyeed u arkaan bidhaan yar oo soo muuqatay,taas oo iyadda
iyo shacabkeeduba la daalaa dhacayaan
Dhibaatooyin dhinac walba ka haysta, gaarahaan cadowga cusub oo dunida oo dhan
la daalaa dhacayso waa argagixisada caalamiga ah, Macluusha,abaarta,
nabaadguurka dhul iyo bad,Shaqa la’aanta dhalaanka,iyo dhamaan dacdarooyinka uu
la daalaadhacaayo shacabka somaaliyeed waji kastaba hala haadee.
Siyaasi xumaha afka dheer sidii Radio FM-kii
Chinees-ka iyo danlayda Runtii waan ka daalnay ee ma mucaaradbaa tahay misa
mooryaan waxaan la hadlayaa xildhibaanada kiciya dadka si ay gidaar uga
dhigtaan misa ogtahay in ay tahay denbi kicinta dadweynaha marka la xeeriyo
xeerarka dowladeed ? kumaa tahay adigu waxaan weydiinayaa shacabka somaaliyeed ee baahida u qaba nolol shaqsiyadeed ee dalkiisa hooyo,waxaa hubaal ah in nabadda iyo dowladnimada somaaliya ay xitaa
dan u tahay dhamaan naflayda balsa kuwa huwan shaatiga dowladeed iyo weliba xasaanada umada somaaliyeed adeer xasaanada
aad hayso uma haysid Ganacsi,qabiil,iyo in ay jaranjaro u noqoto danahan
shisheeye iyo weliba midaadan guracan, ee qaran ayaad ugu matashaa ee dib wax u
aqri hanoqon dawacii halmar Dabka qaaday
ee dabadeeda ku qabatay !
Aragnay Dowlada oo soo bandhigaysa wax qabad
muuqda shacabkana la wadaagaysa !
Ma aragteen mucaarad wax qabad soo bandhigaya marka laga reebo in ay saxaafada
lawadaagaan dul duleelada dowlada halkii
ay wax sixi lahaayeen ama ay ka hadli lahaayeen danta dadka iyo dalka ay rabaan
in ay wax ka noqdaan Ma mucaarad misa
Mooryaan ?
Markaan aragti shaqsi cabiro ma ahan
mucaarad ee waa danlay u dhaqma qaab
mooryaaneedkii shagaashameeyadii lagu
kicin jiray waa warayda qabiilka iyo reer hebel yaa ay wax noqon adeer miyaan taas aragtidaada gaaban dhaafin, miyaysan hiil u ahayn cadowga somaaliyeed oo misay hadana hanjab u ahayn madaxda ku
hogaamisa ?
ninka Siyaasiga ah ee garan la’in uu sugo afar sano waxaa ay ka dhigantahay hadii aanan
cunayn waan caraynayaa '''adeer Hadii aad garwaaqsato in aad haysato wax kugu
filan,waxaad tahay hodan(Taajir) dhab ah."" Ee na dhaaf waan kaa
dheregsanahee.Somaaliya ha noolaayo.
Aragtida
qoraalka waxaa ay gaar u tahay qofka ku saxiixan
Bashir A.Egale
No comments:
Post a Comment