Hardanka siyaasadeed ee ka soo
bilowday sanadii 1991 kii kaas oo maalinba magacii la doono lagu raadiyo iyo mabaa dii’yo kala duwan ha ahaato mid qabiil ama mid siyaasayeed ama mid diineed ayaa waxaa uureebay dhibaatooyin runtii aan la qiyaasi Karin qalin iyo warqadna aan lagu soo koobi Karin hasa yeeshee waxaa gebi ahaanba meesha ka baxday wadaniyadii
qaaliga ahayd ee lagu beeri jiray dhalin yarada somaaliyeed ahna ubaxii dalka ahna indhihii wadanka iyo weliba lafdhabartii wadanka ayaa mar qura waxaa niyadooda laga saaray wadaniyadii laguna beeray qabiil iyo jinsiyad faquuq waxaana ku dhacay tiih iyadoona ay u carareen wadama shisheeye runtiina waxaad arkaysaa dhalin yaradii uabaxa dalka in lagu kala qoqobay meel kala duwan waxaad arkaysaa cunug 7 jir ah oo ku dagaalamaaya qoray kaas oo laga dhaadhacsiiyay mabaadii’ da maraas uu doonaayo ninka hardanka siyaasadeed ku jira iyadoo qaar kood debka loo hormariyo qaarkoodna ay u carareen wadama dibada ka ah wadanka hooyo iyagoo runtii kala kulma ciqaab ay qaarkood naftooda kuwaayeen kalka ay moodaayeen in ay ku badbaadi doonaan balsa nasiib daro mar hadii dhalinyaroy hadii dalkii hooyo aadan ku badbaadey wadamadii shisheeye ciqaabtaas xanuunka badan aad kala kulmaysaan miyaan la dhihi Karin waxaa loo baahanyahay in dib loo xasuusto (dalwaa dalkaaga dadna waa dadkaaga )(dal aadan lahayna waa dareen ku jog)
Waa cajiib in maanta wadankeena la iskugufaano qolo qolo uu la socdaa ama uu la jiraa markaana wax lagu dhaco, lagu dilo la iskuna awood sheegto aanan la tixgelin dadka dalka diinta iyi bini aadanimada intaba.
~
Dadku haddey aaminaan waxyaaba kutiirsan koox kooxeysiga iyo qabyaaladda waxa cad inay waligood horumar aynaan gaarayn sida aan maanta marqaati ka nahay ku dhawaad 20 sanadood oo colaado iyo balaayo aan gacmaheena ku keensanay ay naga dhigtay kuwa aduunyada ka haray islamarkaana lahayste u noqday dagaalo, abaaro, faqiirtinimo, anaga oo nalagu kor halgamo siyaasad ahaan IWM.
Waxa waddaniyiinta soomaliyeed isweydiin mudan su’aalo badan oo ay tahay in laga fala qoodo. War sidee umaddaan uga dhaynaa Caabuqa haystay muddadaa in taa la eg? Waa maxay sababta aan isku dileyno anagoo isku Af ah, isku Diin, isku Dhaqan ah? diinteena, dadnimadeena iyo qiimaha dhulkeena ayaan hilmaanay?.
Qofka maanta wax garadka ah ee aqoonyahanka ah waa inuu noqdaa mid ay dadku ku daysadaan uuna ku fikiraa sidii uu umaddeena uga saari lahaa balaayada haysata islamarkaana uu ogaadaa muddadii dhererka badneyd ee wax lagu keeniwaayay dagaalada. Halka ay qaarkood weli usii hanqaltaagayaan in ay sii huriyaan dagaalo faraha looga sii gubto si loo helo dhalinyaro wadaniyiin ah .
Bulshada haddey ka dhimato dhalinyarada waxa cad inay meel gaareynin sida Laga wariyay Nabigeena (S.W.C). Bulshadu waa inay leedahay niyad iyo fakir mideysan si aanan dhalinyarta loo kala qobqobin oo midba wax gaar ah loogu shubin sida maanta ka taagan wadankeena. Si markaa looga hortago dad danaystayaal ee doonaya inay dhalinyarada wax ku shubtaan waa in
dhalinyaradda lawacyigeliyaa oo wax labaraa sida waddankooda, dadkooda iyo qiimaha waddaniyadda ay leedahay.u ogaadaan halka dagaalka loogu siidaraayo lacago mushaa raad ah.
Haddii lamideeyo fikirka dhalinyarada iyadoo la isticmaalayo islamarkaana la darsayo wax had iyo jeer ka jira dalka lana barbardhigaayo heerarka markaa la taaganyahay iyo qorshayaasha loo dajiyay in uu barnaamijkaan ku hirgalo.
Waa in la abuuraa dhalinyaro waddaniyiin ah oo laga xulaa bulshada dhaxdeeda iyadoo la adeegsanayo xubnaha ururka ee deegaan walba joogo waa inay barnaamijkaan abuuridda waddaniyiinta qeyb weyn ka qaatan. Sidee waddaniyiinta looga soo dhex xulaa bulshada?.
Waa in laraacaa qodobadaan si aan Jawaabta kore uga jawaabnaa:
1. Waa in la tagaa Meelaha aqoonta diriska la tahay Sida Masaajidyada, schools ka, Jaamacadaha.IWM.
A) Waa in Waddaniyiinta Masaajidyada loo dajiyaa barnaamij Fahamsiinayo qiimaha Diinta iyo waddanka, maxaa yeelay waxa laga yaabaa in culimada badankood ayna fahamsaneyn qiimaha uu dal leeyahay. Waa in la adeegsadaa dad cilmi dheeraad ah u leh Diinta Islaamka oo dadkaa loo sheegaa sida horumarka waddanka, umadda iyo dhowrista diinta ku jirto. Waa in la adeegsadaa Barnaamij wacyigelineed oo la dejiyay, ayna ka sheegeen dad ku xeel dheer ama aqoon u leh maamulka iyo ka dhaadhicinta dadka
barnaamijkooda. iyadoo la isticmaalayo habka ugu wanaagsan ee lagu helikaro tiro tayo leh, halkey ku haboonyihiin iyo waqtiga saxda ah ee loo baahanyahay.
B) Schools ka, Waa in la abuuraa dhalinyar isku dhaf ah oo firfircoon iyadoo laga abuurayo plateform programms ama barnaamij taabuureed oo subax walba looga hadlayo waddaniyadda iyo waddaniyiinta Soomaaliyeed qiimaha ay leeyihiin.
C) Jaamacadaha waa in laga xulaa sidoo kale dad firfircoon oo aaminsan middowga Soomaaliweyn ayna ka go^ antahay in sidii dhalinyartii S.Y.L Somalia guula ka soohooyaan oo waddankooda u damqadaan dhibaatada ka jirto. Sidaa ogtihiin,waddaniyiinta Soomaaliyeed tusaale ahaan Dalka Malaysia oo maanta heerka sare technological iyo meela badanba ka gaaran waxa u fikiray 11 dhalinyar ah oo ahaa arday Jaamacadeed waxayna ku fikireen in Malaysia ay ka dhigaan waddan technologiyadiisu aad u sareyso ayna adduunyada la tartamaan marka wey ku guuleysteen run ahaantii oo waad arkeysaan inay tahay hooyada dhinac walba. Waa inaan ku daysanaa oo si weyn aan u aqrinaa sida ay ku guuleysteen.
2 Dadka caadiga ama bulshada ah:
Ma aha in goobaha waxbarashadda kaliya waddaniyadda laga raadiyaa balse waxan u baahanahay in dhalinyarta aanan wax baran, ganacsatada, iyo dadweynaha caadiga ah aan ka dhaadhicinaa qiimaha waddaniyadda, midowga umaddadeena waa inay naga go’naataa middeynta Somaliweyn. Waa in qofwalba loo diraa shaqada uu ku haboonyahay. Waa in shaqadda dadka tooda wax ka badan qabto aan siinaa abaalmarin iyo haddiyooyin si qof walba waxa uu qabto loo xuso, loona dhiirigeliyo shaqadda qeybaheeda kala duwan. Lagana fariisiyaa qofka shaqadiisa ka soo bixiwaaya, ka dib marka la siiyo tababaro iyo fursado kala duwan, markaas ka dib oo la raadiya qofkale oo dhaama haddii aanan maamul wanaagsan yeelan shaqadeena ma soconeyso balse waa inaan isdhiirigelinaa Insha?allah.
Hadafkeena waa inuu ahaada mid dhiirigeliyo dhalinyarta, islamarkaana adkeeya shaqadda waa in dhalinyarta loo abuuraa Barnaamij lagubarayo dalkooda maxaa yeelay maanta dhalinyarta Somalidu ma yaqaanaan micnaha waddaniga iyo dalkaba.waxa la baray uun sida loola dagaalo qolo ama hogamiye.
Sidii dowladdii dhexe ay meesha uga baxday umaddii jahli dhibaato iyo dagaalo ayay faraha u gashay. Markaa halka dhalinyarta ay ka baran lahaayeen waddankooda waxay barteen hogaamiye dagaal iyo in uu shacabkiisa ku duqeyo
. Waa wax si aad ah looga xumaado waxa waddankeena ka dhacaya maanta balse waa in laga gudbaa oo horay loo siisocdaa.
Dowlado badan ayaa dhibkeena mid ka daran soo maray kana gudbay tusaale ahaan: Ruwanda waxay iska dileen dagaaladdii Tutsi ga iyo Hutu ga ku dhawaad sagaal kun (9000) oo qof. Islamarkiiba dadkii Tutsi ga ahaa ee la laayay iyo kuwii wax laayay way ka baxeen dagaaladii oo way is cafiyeen.
Marka la abuuro dhalinyartaa waddaniyiinta ah waa in laga gaaraa go?aamo wax ku ool ah oo lagu hago waddada hagaagsan ee waddaniyiinta loo baahanyahay inay qaadaan si ay uga miradhaliyaan waxay tiigsanayaan oo meel dhaxe aanan lagu caajisin oo uusan taayarka gaariga nooga banjarin.
Waa in la sameeyaa hab lagu abaabulayo waddaniyiinta iyo taageerayaasha loo sheegaa inay kud hagaan waddada sax da ah ee loo jideeyay, waa in la helaa taageeridda Bulshada Soomaliyeed meelwalba.
Iskusoo duub Ugu dambeyn haddii aan mabdaa iyo mid kasii weynba lahaano inaan waligeen banjareyn xitaa haddii aan ku soo hadhno 1 ama 5 qof laakiin waxaan filayaa haddii aan barnaamijka sii dhiiragelino inaan gaarno ilaa 10kun oo qof oo waddaniyiin ah ilaa dalka oo dhan uu isku badalo dad waddaniyiin ah Insha’allah.sidoo kale dadka saxaafada ka shaqeeya waa in ay wacyigelinta aysan ka daalin.
Qore: Bashir A.Egale
E-mail:bashiirweyne2008@hotmail.com

No comments:
Post a Comment