Personal Blog

bashirabduleegale.blogspot.com

Saturday, May 31, 2014

Weli ma lees weydiiyay sababaha aan loo aqoonsanayn passporka somaaliga ah MAXAA BAASABOORKA SOOMAALIGA LOO DIIDAN YAHAY?

Weli ma lees weydiiyay sababaha aan loo aqoonsanayn passporka somaaliga ah

MAXAA BAASABOORKA SOOMAALIGA LOO DIIDAN YAHAY?



Laga soo bilaabo burbuirkii dowladii dhexe ee somaliya oo uu hogaanka ka ahaa General Mohamed siyaad barre ilaa iyo maanta Soomaaliya weli ma helin Dowlad wanaagsan oo u Doodda Xaquuqda Shacabka Soomaaliyeed, mida kale hadda waxaa Soomaaliya ka jirta Dowlad rasmi ah oo aan aheyn ku meel gaar laakiin waxaa is weydiin mudan matahay mid daacad u ah danta shacabka ay matasho masa laga hadlaa passporka  waayo dal aan passport lahayn maxaa uu dalku yahay.
Dowladda hadda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ay safaro badan ku tageen Wadamadda Carabta , Africa, America iyo Yurub  iyo dunada dacaladeeda hase yeeshe waxaa jirta arin muhiim ah oo aysan kala hadlin Dowladdaha ay Booqdeen si qota dheerna aan muhiimada loo saarin muhiimada uu u leeyahay dalka iyo dadka.
Maxaa ay macnaheedu tahay Haddii lugu yiraahdo Baasaboor kaaga ma Aqoonsani micnihiisu muxuu noqon kara? taas  jawaab teeda waxay noqon karta: Dowladdaada ma aqoonsani, Jiritaankaaga dad ahaan ma Aqoonsani, Calankaaga ma aqoonsani, Dhulkaaga ma aqoonsani, Waxaad tahay Qof aan dal leheyn (wadan laawe).
Haddaba maanta oo ay Soomaaliya yagleeshay Dowlad rasmi ah maxaa Baasaboorkeeda loo diidan Yahay?’

Maxaad ka ogtahay dowladaha diidan Baasaboorkeena waa:  Qatar, United Arab Emirates, Bahrain, Oman, Kuwait, Masar, USA, Canada, UK, Australia, Holland, Sweden, Norway, Spain, Denmarka, Qaar ka mid ah Yurub  iyo Qaar ka mid ah dalalka Africa iyo Carabta, : Fadlan adigoo raali ah baaritaan sameey.
Dowladda aan kor ku soo sheegey dhammaan tood waxay diidan yihiin in ay Soomaaliya yeelato Dowlad isla markaana ay noqoto Dal Madax banaan, sidoo kale waxaad ogaata Dowlahaas diidan Baasaboorka Soomaaliga waa kuwa mar walba u diidan in Shacabka Soomaaliyeed in ay Bulshada Caalamka wax la Qeybsadaan , arrintaas  waa  danbi weyn in Shacabka Soomaaliyeed lugu sameeyo Discrimination (Takoorid).
Tusaale Madaxweynaha safarkiisa ugu danbeeyay wuxuu tagey Qatar iyo United Arab Emirates marnaba ma usan kala hadlin sababta ay u diidan yihiin in ay Baasaboorka Soomaaliga .Tusaale  haddii aad rabta in aad tagto Qatar waa in aad heysata Baasaboor dal kale leeyahay maxaa dhacay Dowladda Qatar waxay noo sheegtay in ay Aqoonsan tahay Dowladda soomaliya oo weliba ay jeceshahay midnimada Soomaliya. arintaas ay Dowallada Qatar ay sheegeyso waa Been oo waxaa Cadeeyn u ah Somali Passport.
Runta waxay tahay laga soo bilaabo 1991 ilaa iyo maanta Shacabka Soomaaliyeed weli ma helin Dowlad Daacad u ah Dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
 ILLAAHOW  WAXAAN KA BARYEENA IN AAD NAGA SAARTO DOWLAD XUMIDA, CADDAALAD DIRIDA IYO DHIBKA NA HEYSTA ISLA MARKAANA NA SIISI DOWLAD WANAAGSAN OO CAADIL AH OO XAQUUQDEENA NOO SOO DHICISA. AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Runta Lama Shakaalo Shakina Waa La Hubiyaa


Hadii aan la sheegina beenbaa qarsan   weli miyaad aragteen saraakiisha immigrationka oo dunida ka dhaadhacsiinaaya aqoonsiga passporka waddanka 

Akhriste Fikirkaaga dhiibo adoon cidna wax u gaysan

No comments: