Personal Blog

bashirabduleegale.blogspot.com

Sunday, November 30, 2014

Malaariyada


"Ma laha talaal hase yeeshee waxaa looga hortagi karaa iyadoo la qaato kaniini"
Malaariyadu ama duumada waa cudur halis ah oo lagu kala qaado qaniinyada kaneecada wadamada kulul sida meelo ka mid ah Africa, Asia and Koonfurta America. Malaariyada si deg deg ah ayey dadka ku dili kartaa hadii aan si sax ah loo baarin waxna looga qaban.

Waxaa la qiyaasaa in dunida sanad walba malaariyada ku dhacdo in u dhexeysa 300-500 malyuun oo qof. In ka badan 40% dadka ku nool dunida  ayaa khatar ugu jira inay ku dhacdo cudurka malaariyada. Sanad walba in ka badan kumanaan qof oo ka safartey wadamada reer galbeedka ayaa waxaa ku soo dhaca cudurkan, kumanaan ka mid ahna waa ay u dhintaan. Kiniiniga ka hortagga malaariyada ee ku haboon wadanka aad u safraysid ayaa waxaa uu ku siin karaa ka difaac la isku halayn karo.

Calaamadaha Duumada (malaariyada)

Calaamadaha malaariyada waxay bilowga u eg yhiin sida hargabka qandhada wata oo kale. Waxaa lagu gartaa:
  • Xumad ama qandho,
  • Qar-qaryo & dhidid,
  • Dhabar xanuun & xanuunka kala goysyada,
  • Madax xanuun, matag, shuban, qufac, mararka qaarkoodna wareer & isku-buuqid
Calaamadahan waxaa suurtagal ah in ay qofka ku soo boodaan amaba soo bixitaankoodu qaato todobaad amaba ka badan kadib markay ku qaniintey kaneeco sumeysan.
  • Raadso talo caafimaad hadii aad isku aragto calaamadaha malaariyada ilaa iyo sanad, xitaa marka aad qaadatid kiniiniyada ka hortagga
  • Haddii aad u safreysid meel geeri go’an ah aadna ku maqnaaneysid mudo dheer waxaa markaa haboon in aad qaadatid daawada malaariyada.

Iska Ilaali Qaniinyada

  • Kaneecadu waxay ku qaniini kartaa waqti walba maalintii. Qaniinyooyinka badankood waxay dhacaan habeenkii.
  • Xiro dhar jirkaaga wada daboolaya sida shaarar gacmo dhaadheer, gaar ahaan haddii aad habeenkii banaanka joogeysid.
  • U adeegso jirkaaga banaan amaba meelaha dharka khafiifka ah saaran yihiin waxyaalaha cayayaanka ceyriya.
  • Walxaha lagu buufiyo cayayaanka, kuwa la shido ama la gubo ayaa dhamaan yareyn kara khatarta qaniinyada kaneecada.
  • Haddii ay suurtagal kuu tahay isku day in aad seexato qol xiran kuna seexo shabaqa kaneecada hoosteeda, gaar ahaan kuwa daaweysan.

Kaniiniga ka hortagga malaariyada

Kaniiniyada malaariyada mid midka kale ka wanaagsani ma uu jiro. kuwo waa mid maalinle ah, kuwo kalena waa todobaadle. Qaar waxaa qaaditaankooda la bilaabaa maalmo yar ka hor inta aan la safrin qaar kalena 2 ilaa iyo 3 todobaad ka hor safarkaaga.
Sida loo qaato kaniiniga malaariyada
  • U qaado kiniiniga ku haboon meesha aad safarka u aadeyso.
  • Kaniinigaaga bilow qaadashadiisa ka hor inta aadan galin meesha ay malaariyada ka jirto. Waxaa dhici karta in ay tahay ka hor maalmo yar amaba ilaa iyo 3 todobaad ka hor.
  • Kaniiniga marwalba si joogta ah u qaado, waxaana ku haboon in aad cunadda la qaadato amaba ka dib marka aad wax cunto.
  • Kaniini loo qaato maalaariyada oo 100% shaqeeyaa ma jiro. 

No comments: