Waxaa jira in ku dhow 3,500 oo nooc oo kaneeco ah, waxaa cudurka Malaariyada dadka u gudbiya waa kanaacada dheddig oo loo yaqaano Anopheles. In ku dhow 430 nooc oo kaneecada dheddig ah ayaa jira.


Waxaana cudurka malaariyada dadka u gudbin kara  30 ilaa 40 nooc oo keliya.(Anopheles waa gaadiid qaada protozoan  loo yaqaano Plasmodium kaas oo keena Malaariyada).
Anopheles ma joogto meelaha cudurka malaariyada uu ku badan yahay oo keliya, ee waxay kaloo joogtaa meelaha aan cudurka malaariyada laga helin, meelahaas waxay halis u yihiin in mar kale uu cudurku yimaado haddii qof xambaarsan Plasmodium uu yimaado islamarkaasna  ay kaneecadaas (anopheles) qaniinto.
Sida kaneecooyinka kale oo dhan, Anopheles-ta waxay martaa afar marxaladood oo kala ah: Ugxaan (egg), Larva, Pupa iyo Qaangaar (adult). Saddexda marxaladood ee ugu horeeya waxay ku nool yihiin biyaha dhexdooda, muddo u dhexaysa 5-14 maalmood, waxayna ku xiran tahay hadba nooca Anopheles-ka iyo cimilada ama degaanka. Kan qaangaarka ah (Adult) waa markii ay awood u yeelato inay gudbin karto cudurka.
Badanaa Anopheles-ta waxay noolaataa ilaa muddo ku  siman 1 ilaa 2 toddobaad, caadi ahaan, laakiin mararka qaarkood waxay gaartaa bil, wayna ka badan kartaa bil haddii si gaar ah loogu xanaaneeyo meel gaar ah.
Kaneecada dheddig waxay dhigtaa  50 ilaa 200 oo ugxaan ah  (eggs) markiiba. Waxay ugxaanta u dhigtaa keli keli iyadoo si toos ah u dul saarayso una sabaynayso biyha, ugxaantu uma adkaysan karto hawada qallalan ee waxay ku dillaacdaa muddada u dhexayso 2 – 3 maalmood, in kastoo meelaha qaboobaha ah ay gaari karto 2 – 3 toddobaad. 
Larva-ha wuxuu leeyahay madax si fiican u korey iyo walax u eg buraash (burush) oo afkiisa ah waana halka uu ka quuto wuxuuna leeyahay saabley ballaran iyo calool maraaryo leh, wax lugo ahna ma laha taas oo uu uga geddisan yahay kaneecooyinka kale. Larva-ha Anopheles-ta ma laha tuubo wax nuugta sida kaneecooyinka kale  ee ku xiran hawo mareenkooda (respiratory siphon), sidaa darteed waxay isla simaan oogada biyaha.
Larva-ha wuxuu ka neefsadaa meelo yar yar oo hawada ka gasho kana baxdo kuna yaalla maraaryaha 8aad, sidaa darteed wuxuu si isdaba jog ah u yimaadaa oogada sare ee biyha si uu u neefsado. Larva-ha wuxuu waqtigiisa ugu badan uu ku dhameystaa quudashada aljiga, bakteeriyada iyo noolayaasha kale ee il ma aragtada ah ee ku nool biyaha.
Larva-ha wuxuu biyaha hoos u quusaa markii la taabto, wuxuuna u dabaashaa labadan midkood tan koowaad oo ah dhaqdhaqaaq oo qalqalloc ah oo jirka oo dhan ah ama mid afka buraashka ah uu soo tuurayo jirka intiisa kale.
Larva-ha wuxuu maraa afar marxaladood ka dibna wuxuu noqdaa Pupa kaas uu xuub dhacsado, qaabkiisa qalfoofeedna wuu daadiyaa, si uu ugu diyaargaroobo korsiibo cusub, taasna waxay dhacdaa mar alla markii uu ka gudbayo marxalad ka mid ah marxaladahaas.
Larva-ha wuxuu ku noolaadaa degaano kala geddisan markii laga eego nooca biyaha, badi larva-yaasha kaneecooyinka kale waxay jecel yihiin biyaha nadiifka ah oo aan wasakhaysnayn, hase ahaatee larva-ha kaneecada Anopheles-ka waxaa laga helaa biyaha cusbada leh iyo kuwo aan cusbo lahaynba ee ku jira godadka yar yar iyo weliba, meelaha biyuhu fadhiistaan ee cowska iyo geedaha yaryar leh, beeraha bariiska, geesaha dooxooyinka iyo webiyada iyo waraha ama balliyada biyaha galaan xilliyada roobka. Qaarkood waxay jecel yhiin meelaha dhirta yar yar ku taallo, qaana meelaha qoyan ee hadhka ah, qaarna meel qoraxda ilayskeedu ku dhacaayo, qaarna dhirta qoyan dusheeda, kuwo aad u yarna waxay jecel yihiin godadka yar yar  ee geedaha dushood ah iyo halka ay iska galaan caleenta iyo laanta geedka.
Pupa wuxuu u eg yahay calaamadda(,) hakadka markii laga dhinacyada laga eego, madixiisa iyo saableydiisa way isku darsan yihiin calooshiisana waxay uga godan tahay xagga hoose, sida larva-ha oo kale Pupa-ha waa inuu isagana uu yimaadaa oogada sare ee biyaha si uu u neefsado, wuxuuna ka neefsadaa laba Trumbo oo ku yalla qaybta la isku yiraahdo (cephalothorax) waa qayb isugu jrta madax iyo saabley. Mallmo yar markuu ahaado Pupa, qayta madaxa iyo saableyda isugu jirta xaggeed sare way kala baxdaa waxaana soo baxa kaneeco weyn oo qaangaar ah.
Muddada ay ku qaadanayso ugxaanta inay isu beddesho mid qaangaar ah, way ku kala geddisan yihiin noocyada cayayaannada  kale ee jira, waxayna si xoog ugu xiran tahay, degaanka iyo cimilada. Haddaba kaneecada Anopheles waxay ku qaadataa ugxaanta inay isu beddesho mid weyn ama qaangaar ah waa shan maalmood oo keliya, laakiin waxay badanaa ku qaadataa 10 -14 maalmood meelaha kulaalayaasha ah (tropicals).
Anopheles-ta sida kaneecooyinka kale waxay leedahay jir caato ah oo aad u yar oo u kala baxa saddex qaybood madax, saabley iyo calool.
Madaxa waxaa loo adeegsadaa in wax lagu dareemo iyo quudashada,. Madaxa waxaa ku yaalla indhaha iyo laba anteena oo maraarya leh taas oo ay ku ogaato urta qofka ay kaneecadu qaniineyso iyo urta meesha ay ugxaanteeda dhigayso.
Madaxa waxaa kaloo leeyahay gacan dheer oo horey u soo baxsan oo ay ku quudato iyo laba dhambaal wadayaal ee ay wax ku dareento. 
Qaybta saableyda, waxa ku yaalla qaybaha u qaabilsan guurguurka ama socodka  lix lugood oo ku kala yaalla laba dhinac ee jirka dhankiiba saddex lugood iyo laba baal oo ay ku duusho.
Caloosha waxay gaar u tahay dheefshiidka cuntada iyo korsiimada ugxaanta., qaybtani waxay leedahay maraaryo oo awood u siinaya inay fiddo markii ay kaneecada dheddig  quudanayso cuntadeeda ka sameysan dhiigga. Dhiigu wuxuu u baahan yahay muddo lagu dheefshiido, waana isha ay ka hesho brotiinka loogu baahan yahay soo saaridda ugxaanta, taas oo si tartiib tartiib ah  caloosha u  buuxinayso.
Kaneecada dheddig (Anopheles) waxaa looga soocaa kaneecooyinka kale  dareenwadayaasheeda (palps) oo la dherer ah gacanka ay ku quudato ama ay wax ku muddo, baalashana waxay ka leedahay xareejimo kala soocan oo madow iyo caddaan ah. Anopheles-ta qaangaarka ah waxaa kaloo lagu gartaa qaabka ay u nasato.
Kaneecada lab iyo dheddigba marka ay nasanayaan waxay kor uga taagaan calooshooda ama qaarkooda dambe halka ay saran yihii, ee marna lama simaan calooshooda meesha ay saran yihiin.
Kaneecada qaan gaarka ah ee dheddig waxay la kulantaa tan lab, maalmo ka dib markii ay ka soo gudubto marxallada ah Pupa-nimada, cayayaanada lab waxay fiidka  u doolaan koox koox, kaneecada dheddigna markaas ay ku darsantaa si ay ula kulanto kuwa labka ah