Waxaan
aqriyay qisa runtii qof kasta oo aqriya saamayn ku reebaysa, waxa ayna mudantahay
qof kastaa in uu aqriyaa Waxaana qoray Gabar
marookaan ah oo ay qisadaan ku habsatay waxaa ay ku qorantahay Afka carabiga
waxaan isku dayay in aan bal somaali u
bedelo
Ma
Maqashay layla Xilwa( layla macaan)
layla
Xilwa( layla macaan) waa haweenay u
dhalatay wadanka MAROOKKA.
LAYLA Waxaa
ku dhacay cudur xun (Kansar) Dhaqaatiirtuna waa ka quusteen daweyntiisa
, waa ayna ka quusatay rajo
Ilaahay maahane kaas oo markii hore ay garanweysay waxa ayna u noqotay Guriggii
ilaahay halkaas ooilaahay daawo ugu daray
Haddana
aan idinkala dhex baxo qisadii ay martay
walaashiin leyla xilwa
Muddo
sagaal sano ah waxaan la ildarnaa xanuun aad halis u ah. Waana cudurka kansarka, qof
kastaana waxaa uu u yaqaanaa magacaas in
uu yahay mid cabsi badan. Lakiin marrookka
uguma yeerno magaca kansar ee waxaan ugu
yeernaa ( (Ghouls) ama (cudurkii
xumaa) waxaan haleelay taajkii quusta, xiligaas oo iimaankeygu ahaa mid aad
daciif u ahaa, waxaa ahaa mid ilmaansan ilaahii I abuurtay ee wax walba ka
sareeyay, waxaana u haystay in quruxdda aadanaha ay tahay mid waaraysa oo aan go,idoonin,sidoo kale dhalin
yaranimadiisa,caafimaadkiisa, mana ahayn mid marna ku fakaraysay mar uun in uu I
haleelidoono cudur halis ah sida kan kansarka,
waxaa igu dhacay dhulgariir daran markii uu cudurkaan I haleelay, waxaana ku
fakaray in aan iska baxsado ama iska cararo! Lakini halkee ?waayo cudurkaan
meel kasta oo aan tago waa ila soconaa, xitaa waxaan ku fakaray in aan is daldalo oo qudha iska jaro,hasa
yeeshee waxaan aad u jeclaa ninkeyga iyo caruurtayda, mana ku fakaray in ilaah
ii ciqaabidoono hadii aan is dilo, waxaan ahaa mid hilmaansan ilaahay sida
aanba hora usoo sheegay, ilaahayna waxaa uu doonay in uu igu hanuuniyo
cudukaan,iyo in uu ku hanuuniyo dad farabadan oo dadka ka mid ah,xaaladuna
marba marka ka danbeeya waa isbedelaysay.markii cudurkaan I haleelay waxaan
usoo safray (Belgium) waxaana booqday oo aan u tegay dhaqaatiir fara badan oo halkaa ku sugnaa, waxa ayna u sheegeen
ninkeyga in ay tahay lagama maarmaan in la jaro
naaska kadibna ay isticmaasho daawo adag oo inta daadinaysa,baabi ineysa
indhaha baarkooda iyo suniyahaba,wajigana gar kasoo saaraysa, sidaba cijiyuhu
iyo ilkahaba u daadanayaan, gebi ahaana waan ku gacansayray soo jeedintaas,
waxaana ku idhi waxaan ka door bidayaa geeri naasahayga iyo tinteydda dhamaan
sidii ilaah ii abuurayna waxba kama bedelayo,waxaana dhaqaatiirta ka codsaday
in ay ii qoraan daawo fudud oo aan ku meel gaaro, waana iiqoreen oo daawadii
ayaan qaatay waxaana ku noqday MARROOKKO, wax saamayn ahna igumay yeelan
daawadii waana ku farxan arrinkaas, waxaana ku idhi naftayda waxaa laga
yaabaa in dhaqaatiirtu qaldameen
waayo waxaaba laga yaabaa in uusan ahayn cudurkani kansar, lakiin mudo
ay kasoo wareegtay ugu yaraan lixbilood ayaan waxaan dareemay in miisaankeygu
isdhimayo, kalarka jirkeyguna is bedelayo .lakiin waxaa ay ila ahayd in aan ka
soo raynaayo xanuunkii, waxaana marwalba garabkeyga joogay dhaqtarkeyga marrookko ila
joogay,waxaana uu igu waanin jiray in aan ku noqdo Belgium , waana kusoo
laabtay Belgium, Halkaasna waa halkii musiibadda,waxaa ayna ninkeygu ku
yiraahdeen dhaqaatiirtu xaaladu waa kasii xumaatay oo waxaa uu gaaray
sanbabaha, waana xaalad ayanan waxba ka qaban Karin daweyntiisa, waxaa kaloo ay
kula taliyeen ninkeyga in uu xaaskiisa kula noqdo wadankeeda ilaa ay halkaa uga
dhimato, aadbuu uga argagaxay wixii loo sheegay, intii aan ku laaban lahayn
marooko waxaanu ku laabanay Faransa(france) halkaas oo aan ku tuhmaynay in aan
daawo ka heli doono, lakini ma aanan ka helin waxba, ugu danbeyn waxaan go, aan
sanay oo aan ku talasaaraynay in aan galo hospital qaliin waxaana la jaray
naaskeyga,waxaana qaatay daawadii adkeyd ee suntan ahayd.laakiin ninkeyga ayaa soo xasuutay wax aanu ahayn kuwa hilmaansan,
daboolna naga saarnaa Nolosheena oo idil, waxaa ilaahay ku ilhaamiyay ama tusiyay
ninkeyga in aanu booqano beytkii ilaahay ee xurmeesnaa ama gurigii ilaahay si aan ilaahay hortiisa u istaagno isagaa xumaan ka nazahane, weydiisanana in ilaah naga
dulqaado xaalada aan ku suganahay ee dhibka ah, taasina waa waxa aan samaynay,
waxaan ka baxnay magaalada (paris) caasimada faransiiska inagoo amaanayna, weynaynayno ilaahay, aad ayaan u
faraxsanaa waayo waxaa ay ahayd markii iigu horeysay ee aan galo beytkii
ilaahay ee xurmadda lahaa arkana
kacbadiisa sharafta leh waxaana
magaalada baariis ka iibsaday kutubka quraanka waxaana kusii jeednay magaalada (MAKKA),
Waxaan soo gaarnay gurigii Ilaah,
markii aan galnay ee aan arkay kacbada waan ooyayay in badan sababtoo ah waxaan ka shalaayay wixii
idhaafay ee ahaa waajibaadkii ilaahay isaaray salad khushuuc, iyo u dhawaashaha
ilaahay, waxaan iri, rabiyoow dhaqaatiirtii dawadayda waa ku guuldareesteen ee
adigaa cudurka haya dawadana haya, dhamaan albaabadiina wjigayga waa kasoo xirmeen,
ilaa albaabkaaga maahane ee rabiyow hayga xirin, waxaana kusoo dawaafay
hareeraha guriga ilaah, waxaana in badan weydiisanaayay ilaahay in uunan I duleyn
ina hoojin,iyo in aynan garanweyn dhaqaatiirtu xaaladayda, sida aan horeba usoo
xusay waxaan ahaa mid hilmaansan waddii
ilaah, jaahiladna ka ah diintiisa,waxaan halkaas kula soo dawaafat culuma iyo
mashaa ikh farabadan oo halkaa ku sugan, waxaana weydiisanaayay in ay I tusiyaan
ducooyin fudfudud ilaa aan ka faa iideesto, waxaana ay igula taliyeen in aan in badan aqriyo quraanka ilaahay soo
dejiyay, iyo in aan cabo biyaha zamzamkailaa aan ka dareemo in ay feerahayga
gaareen, sidoo kale waxaa ay igu waaniyeen in aan badiyo xuska ilaahay saligga Nabiga (NNKH).
Waxaan
dareemay raaxo nafsiyan ah iyo
deganaansho xirmashada guriga ilaah, waxaana weydiistay ninkeyga inuu ii
ogolaado in aan iska sii joogo guriga ilaahay, oo aanan ku noqonba hotelkii aan
ka deganayn magaalada waana ii ogolaaday, waxaana xaramka deriskayga ahaa walaalo gabdho ah oo masaari
iyo turki ah waxayna ahaayeen kuwa
arkaya anigoo in badan oynaaya , waa ayna I weydiiyeen sababta igu keentay
inaaan sidaan u ooyo, waxaana ku irri waxaan soo garay gurigii ilaahay, mana u
malaynayn in aan sidaan u jeclaanayo, tan labaad waxaa ihaleelay cudurka kansarka , waa I laazimay mana ahan mid iga
tegaaya , waxaana u sheegay in aan sidaa
u ictikaafsanahay gurigan ilaahay, waxaana ay u sheegeen nimankooda oo la joogay,marnaba
ma seexanayn mana cuneyn ilaa wax yar maahane,lakiin waxaan cabaynayn biyaha
zamzamka wax badan
–
sida uu yiri nabigu NNKH biyaha zamzamka biyaha zamzamka والنبي –
–
صلى الله عليه وسلم – يقول :
–
" ماء زمزم لما شرب له "
Hadii aad u cabdto in ilaah kugu caafiyo waad
caafimaadaysaa hadii aad u cabto oon
dartiis ilaah waa kugu oon tirayaa hadii aad u cabto in ilaah kugu bad baadiyo
ilaah wuu kugu badbaadin ilaahna gaajadeena oo nooga gooyay, waxaan ahayn kuwa
aan kala gooyn dawaaf kooda halka aan
mar walba dukanaynay laba rakcadood kadibna dawaafkeeda ayaan sii wadanaynay
waxaana cabaynayn biyaha zamzamka waxaana badinaynay aqrinta quraaanka kariimka
ah dhamaan habeenkeena iyo maalinteenaba
maseexanayn ilaa wax yar maahane,markii aan soo gaaraayay gurigan ilaahay ma
ahayn mid isku filan, waxaana dhinaceyga sare ee jirkeyga ku badnaa
barar,burooyin cadaynaaya in uu ku faaray kansarlu jidkeyga, waxaana ahaa mid
lagula taliyo in aan jirdhkeyga qeybta
kore ku dhaqo biyaha zamzamka lakiin waan ka cabsan jiray bararkaan iyo
burooyinkaan in aan taabtaabto, soona
xasuusto cudurkan si uunan iiga mashquulin cibaadada ilaahay iyo xuskiisa
waxaana dhaqijiray anigoo aan taaban jirkaba waxaana maalintii shanaad saxiibady igu
tiri in aan ku tir tiro biyaha zamzamka
wax uun waana diiday markii ugu horeysay,
lakiin waxaan dareemay awood igu
riixaysa in aan wax la mariyo biyaha zamzamka kuna masaxo gacanta jirkeyga
dushiisa,waan ka baqay markii hore lakiin waxaan dareemaayay awoodan markii
labaad , waaana ku celshay mar sedaxaad aniga oo aan dareemin waxaan ku qaaday gacantayda waana ku
masaxay jirkii uu ka buuxay dhamaantiis dhiiga iyo bararka,malaxda, waxaana dhacay wax aanan ku
jirin laabta, dhamaan malaxkii iyo
bararkii waa ay baaba een midna jirkeyga kama helin, waana gariiray, laakiin
waxaan xasuustay in ilaahay wax kasta
awodo, waxaana weydiiyay mid ka mid ah asxaabtayda in ay taabtaan jirkeyga kana baaraan malaxdii jirkeyga, waana ay
taabteen iygoo aan waxba ka helin (ALLAHU AKBBAR ALLAHU AKBAR) waxaan soo aaday ninkeyga si aan ugu sheego
arrinka waxaana soo galay hotelkii markii
aan hortiisa istaagay ayaan an jeexjeexay qamiiskii aan xirnaa anigoo
dhahaaya fiiri naxariista ilaahay waxaana u sheegay wixii dhacay waana rumaysan
waayay waxaa uu bilaabay oohin isaga oo
ku qeylinaaya cod dheer lehna ma ogtahay dhaqaatiirtu waxaa ay ku dhaarteen
geeridaada sedax usbuuc oo kaliya kadib
in aad dhimanayso, waxaana ku iri arrintu waxaa ay ku jirtaa gacanta ilaahay oo
wax kasta ka sareeya cid kale oo og waxa
dhicidoonana ma jirto ilaa ilaahay maahane.
Waxaan ku sugnayn gurigii ilaahay usbuuc dhamays tiran, waxaana
u mahad celinayay ilaahay kuna shurinaayay nicmadiisa aan la soo koobi Karin lana
tiri Karin , markaas kadib waxaan booqanay masaajidkii nabiga ee madiinal munawarrah waxaana kusoo laabanay
france,halkii, dhaqaatiir ukulul
arintayda waa ay yaabeen waxaana ay ku
dhawaadeen in ay waashaan waxaana ay I weydiiyeen eblo adiga miyaa waxaan ku irri haa aniga waaye si faan ah ninkeyguna waa hebel , waxaan u
noqday ilaahay mana ahayn mid ka baqeysa ilaa ilaahay maahane cid kale isagaa nazahane xugun kuna waa kan Allah amarkuna waa kan Allah, waxaa ay igu yiraahdeen
xaalkaagu waa layaab, bararkiina waa baaba ay , waa in aan baaritaanku celinaa,
waxaana ay mar labaad igu celiyeen baaritaan waxbana ma aysan ka helin xitaa markii hore ma awoodin in aan neefsado
bararka dartiis lakiin markii aan gaaraay gurigii ilaahay waxaan ka codsaday in uu I caafiyo waana igu caafiyay
Markaas kadib waxaan bilaabay in aan baaro
siiradii rasuula NNKH asxaabtiisa siiradoodii ilaah HKRND.. waana ooyay in
badan waxaan ahaa mid ku sugan oohin iyo shalaay aan ka shalaayaayo wixii
idhaafay ee ahaa jacaylka ilaahay iyo kan nabiga iyo ayaamihii iga tegay kuwaas oo aan ku dhamaystay anigoo ilaah iyo rasuulkiisa ka fog, waxaansa
ilaah weydiinayaa in uu iga aqbalo towbadayda
iyo ninkeyga iyo dhamaan muslimiinta
Waxaa kaloo aan denbi dhaaf iyo caafimaad u weydiinayaa
ilaahay qofkasta oo aqriya sheekadaan
Waxaa isku duba riday /Bashir A Egale
No comments:
Post a Comment