Personal Blog

bashirabduleegale.blogspot.com

Friday, February 20, 2015

Waxbadso wax beelbey leedahay?

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa burburkii ku dhacay Dalka wuxuu noqday mid saamayn weyn ku yeeshay dhinacyada waxbarashada , Shaqooyinka, Ciyaaraha ,Dhaqanka dhinac walaba leh, iyo arimaha Bulshada  halka qaar badan oo kamid ah ay gaareen heer ay ka faanaan haybadooda sheegtaana wadama ay somaliya ka faani jurtay in ay sheegtaan waxaase qaarkood u sii dheeraa Isticmaalka Khamriga iyo Qaadka oo ay Meherad ka dhigteen qaar ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed



Dhallinyaradu waxay leeyihiin kuwa wax bartay oo aan ku jirin Merheradan Khamriga ah Jaamacadaha iyo Kulliyadaha kaga jira kaallinta koowaad , hase ahaatee waxaa jira kuwa kale oo uu Khamrigu uu ku hayo Dhibaatooyin aad u adag oo ay ku gabeen noloshoodii oo dhan sida Xabsi ama dan darro aad iyo aad u xun. Balse dhalinyarow Noloshu waxay dhadhan wanaagsan leedahay marka aad joogto halka aad isir iyo Ab kasoo jeeddo oo dadka kugu xeerani yihiin kuwo dhaqan iyo dhaqaalaba leysku dhowyahay, waxaan uga golleeyahay inaad DALKAAGA joogtaa wax kuu wax kaaga haboon ma jirto halka ay  dhalinyaradeenii mustaqbalka  dalka iyo dadka wax u tari lahaa ,qaradahaha aduunka oo dhani silic iyo saxariir,dil,daldalaad, xabsi,kufsi,dhac,magic xumo, iyo qisooyin fara badan oo  xanuun badan marka aad aragto ama lagaaga waramo, waxaa maalin maalmaha ka mid ah la iiga waramay qiso ku dhacday wiil da’yar  oo Somali ah  tegay qaaradda yurub waddan ka mid ah.

Waxaa uu lahaa  markii uu joogay waddankiisa Baqaar iibiya  dhamaan cuntooyinka kala duwan oo aduunka dacaladiisa ka soo dhoofin jiray  iyo tan wadanka gudihiisaba ka soo go’da  balsa tala  xumaa ku dhacaday maalin maalmaha ka mid ah nin sxbkiis  ah ayaa ugu yimid goobtiisii shaqo  uguna sheekeeyay  nin ay iskuulka wada dhigan jireen aadna sxbo u ahaayeen  balsa muda fog uunan arkin maqline in uu joogo qaarada yurub aadna ay ugu kala kacday aduuna ilaah u dhiibay daarna uu ka jeexday wadanka raaxana uu ku noolyahay,  somaalidaa tiraa, (waxa jira sadex abaar, abaar geel ,abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko laaan,
abaar dumar waa ubad laaan, abaar ragna waa arin laaan.) go aan waxaa uu gaadhay  ah in uu xaraasho xoolihiisa  oo dhan marka laga reebo  gurigiisa iyo laba gaari oo kuwa xamuulka qaada ah oo uu lahaa wadankana iskaga tago, rag waxaa ugu xun ayay tiraa somaalidu(wax walba run moodaa rag ugu liita)si kastaba wixii  oo dhan waxaa uu ku xaraashay mudo aad u yar  go aana waxaa uu ku gaaray in uu mar uun gaadho qaarada yurub oo runtii noqotay meel la moodo in sixi loo wardhay dadka afrikanka  oo dhan  waxaana uuna niyada u sheegay nin han yari ma hanaqaado ee bal hankaago ha gaaro halka aad hiig sanayso, waxaana uu leeyahay sedax xaas oo sedaxduba caruur wada dhex martay,mid walbaana waxaa uu u sheegay in uu ku socdo yurub lacag ay ku noolaadaana mid walbaana waxaa uu siiyay lacag ay ku noolaan karto mudo uun ugu danbayna waxaa uu soo gaaray qaaradan yurub, waxaana uu weydiistay megen galyo iyo in ay siiyaan sharci in kastoo qisadan warkeedo dheeryahay hada waan soo koobayaa si aynan  aqristaha u dhibin, ninkii mudo ay kazoo wareegtay labasanoo wax dhiman ayaa lagu gacan sayray codsigiisii ahaa magan galyada  wareer dheer iyo dood dacwo kadib  waxaa uu dib uga dalbaday maxkamad in ay dacwadiisa uun dib u eegto, intii uu sugaayay arinka ayaa waxaa dulqaadan waayay xaasaskii uu qabay oo ku tashada in ay  ka codsadaan ninkaan in uu furo, balsa waa uu ku gacan sayray in uu furo, dood kadib ninkii sedaxdii  xaasba halkaas ayaa uu ku waayay  waxaa uu ku rafaado yurub waxaa uu islahaa  Rafaadkan raaxaa ka danbayn doontee bal sug, hadaba runi rag kama nixisee ninkii codsigiisii maxkamadeed hana waa la diiday  oo waxaa loo sheegay in uunan xaq u leheen dalabkiisa, waxayna go aan ku gaartay dowladii uu markaasi la joogay in ay ku celiso halkii uu ka yimid , isna waa aqbalay waayo mudada ayaa aad u fara badnayd

Waxaana uu ku soo laabtay  wadanka isagaa sedax diisii xaas nimankale leeyihiin mid ka mid ahna gurigiisii lagu qabo  inta kalena ay kala qeybsadeen labdii gaari ee uu lahaa ragooduna ugu shaqeeyaan layaab waxbadso wax la aan ayay leedahay 

No comments: